Xukuumadda oo Ceelal-biyood ka hirgelinaysa Saaxil iyo Maroodijeex iyo Magacyada Shirkado ku guulaystay Dhismahooda

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay laba mashruuc oo xukuumaddu ka fulinayso gobollada dalka.

Laba Mashruuc oo ay ku tartameen 19 shirkadood ayaa ah laba Ceel-biyood (Dam) oo laga hirgelinayo Degmada Go’da weyn ee gobolka Saaxil iyo Deegaanka Sheekh Mooldhe oo ka tirsan degmada Hargeysa ee gobolka Maroodijeex.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada tartanka loo galay labada mashruuc waxa goob-joog ka ah Xubnaha guddiga Qandaraasyada, wakiillo ka socday shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda horumarinta Biyaha.

Advertisement

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u dhacay Qandaraasyada laba Mashruuc iyo Magacyada Shirkadaha ku guulaystay.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On