Xukuumadda Muuse Biixi oo Dib-u-eegis ku samaynaysa Heshiiskii Internet Fiber-ka ah ee SOMCABLE

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegtay in dib loo eegayo Heshiiskii xukuumaddii hore kootada ugu xidhay shirkadda Somcable inay dalka keento Internetka Fiber Optic-ga.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-ga ee Somaliland Cabdiwali Sheekh Suufi oo waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey telefishanka Horyaal24, waxa uu sheegay in wasaaraddiisu dib u eegayso heshiis xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo shirkadda Somcable ruqsad ugu siiyey inay dalka Keento Internetka Fiber-ka.

Waraysigan oo wasiirku arrimo kale oo la xidhiidha siyaasadda xukuumadda ee shirkadaha isgaadhsiinta kaga hadlay, kaga bogo Muuqaalka Hoose