Xukuumadda Muuse Biixi oo beenisay Musuqa Malaayiin Dollar oo Bangiga Adduunku ugu Deeqay Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in wax is-daba-marin iyo lunsi lagu sameeyey lacag malaayiin Dollar ah oo Bangiga Adduunku ugu deeqay Somaliland, taas oo ahayd mucaawino loogu talo-galay Mashruuc dib-u-habaynta Shaqaale-weynaha Dowladda ah oo fulintiisu la kowsaday bilowgii xukuuumadda Madaxweyne Biixi.

 

Warar aan la xaqiijin oo saxaafadda qaarkeed baahiyeen todobaadkan, ayaa lagu sheegay in wax-is-daba marin iyo musuq lagu sameeyey lacagtaas isla markaana ay ku dhacday jeebabka dad gaar ah.

 

Haseyeeshee waxa arrintan maanta ka hadlay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dowladda oo warbaahinta la hadlay.