Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadashay Doorka ay ku leedahay Khilaafka ka dhex-aloosan Golaha Wakiillada iyo kaalinta ay xalkiisa ka geysan karto

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadashay inay wax lug ah ku leedahay khilaafka ka dhextaagan Golaha Wakiillada ee u kala qaybiyey Guddoomiye Cirro oo mudanayaal koobani wehelinayaan iyo inta badan xildhibaannada muxaafadka ah oo isku haya Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo ansixinta Xubnaha Komishanka Doorashooyinka.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadashay Doorka ay ku leedahay Khilaafka ka dhex-aloosan Golaha WakiilladaWasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Qaranka iyo Cilmi-baadhista Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in aanay xukuumaddu wax shaqo ah ku lahayn khilaafka Golaha Wakiillada ka jira, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Guddoomiyaha golahaasi inuu hanan kari waayey mudanayaashiisa uu maamulo.

HALKAN KA DAAWO WARKAN

SOMALILANDPOST.NET