Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Aaminsan in wax-qabadkeedu Jawaab ugu filan yahay Dhaliilaha Siyaasiyiinta Mucaaradka ah

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegtay inaanay dheg-jalaq u siin doonin isla markaana aanay ku mashquuli doonin inay ka jawaabto Dhaliilaha siyaasiyiinta Mucaaradka ahi ka sheegaan hoggaamintooda, waxase ay ku doodday in wax-qabadkeedu jawaab u noqon doono dhaliilaha mucaaradka.

SamaaleWasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa wax-qabadka xukuumadda uu ka tirsan yahay ku tallaabsatay jawaab u noqonayo dhaliilaha mucaaradka oo uu sheegay inay caadaysteen aflagaadeynta Madaxweynaha Axmed Siilaanyo, waxaanu axsaabta mucaaridka ah ugu baaqay inay bulshadda u soo bandhigaan wax u cuntama.

Wasiirka Maaliyadda oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu qabtay xarunta Akhrista Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay akhris-wadareed lagu shaaciyey buug laga qoray Aabihii labaad ee Waxbarashada Somaliand Alle ha u naxariistee Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, waxa uu sheegagy inay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo garab taagan tahey dhallinyaradda isla markaana kana shaqaynayso horumarinooda.

“Madaxweynaha ma waxaa wax ka sheegaaya mid Aan la garaneyn waxa uu yahay iyo wax uu dalkan u qabto? madaxweynuhu u jawaabi maayo Dadka caadaystey inay cay iyo qabyaalad ummadan ku jahawareeriyaan laakiinse waxaanu kaga jawaabeynaa ficil iyo wax-qabad muuqda,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo hadalkiisa sii watayna, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Miisaaniyada qaranka waxaanu ka soo Qaadnay 47 Milyan oo Dollar, Waxaanan gaadhsiinay 200 Milyan.”

Wasiir Samaalle waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay Hoggaamiye wanaagsan oo dalkiisa ku hoggaamiyay jidkii horumarka iyo waxqabadka, waxaanu yidhi, “Madaxweynaheenu Waa Hogaamiye Wanaagsan oo ummadani Xoolaheegii u Ilaaliyay Horumariyayna.”

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu axsaabta Mucaaradka ugu baaqay inay wax ka beddelaan Ololahooda siyaasadeed ee qabyaaladaysan oo uu tilmaamay inay tahay arrin dib-u-dhac ku keenaysa horumarka bulshada iyo dimuqraadiyadda dalka.

SOMALILANDPOST.NET