Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Kafaalo-qaadday Kharashka Deebaajiga Murashaxiinta Beelaha La-Hayb sooco iyo Haweenka ee Saddexda Xisbi Qaran

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Sonaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa goaamiyey in xukuumaddiisu dusha u ridato bixinta kharashka Deebaajiga ee haweenka iyo Beelaha Gabooye ee saddexda xisbi Qaran ugu sharraxan Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Wareegto uu madaxweyne Muuse Biixi maanta soo saaray oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 kuna socodsiiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire isla markaana war-gelin ku siiyey Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo UCID, Xisbiga Kulmiye, Xisaabiyaha Guud, Hanti-dhowraha Qaranka iyo guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, ayuu Md Muuse Biixi ku go’aamiyey in Xukuumaddiisu bixiso deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco.

Advertisement

Wareegtada Madaxweynuhu ku socodsiiyey wasiirka maaliyadda, waxa uu ku yidhi, “Mudane Wasii, Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.”

Somalilandpost.net

Contact@Somalilandpost.net

Advertisement