Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Qaadday Tallaabo Muhiim u Ah Aqoonsiga Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay samaysay guddi hawleed heer wasaaradeed ah oo loo xilsaaray  der-dargelinta dedaallada aqoonsiga Somaliland.

War Kooban oo lagu baahiyey Ciwaannada Baraha Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu Sheegay inay Somaliland tallaabo muhiim ah u qaadday dhinaca aqoonsiga.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay xustay inay aasaastay guddi gaar u ah qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland oo heer Wasaaradeed ah, kuwaasi oo ka hawl-geli doona raadinta dedaallada iyo xeeladaha aqoonsiga.

Advertisement

Waxa kaloo ay intaas ku dartay in tallaabadani xidhiidh la leedahay hindiseyaasha socda ee xukuumadda oo uu ka mid yahay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya dhexmaray bilowgii sannadkan.

Follow us On