“Xukuumadan Siilaanyo waxay mudo kordhinta u doonaysayba waxay ahayd inay hanti urursato..” Jamaal Cali Xuseen oo xildhibaanada hanbalyeeyay

Hargeysa(SLpost)-Musharax madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa golaha wakiilada ku hanbalyeeyay inay is hortaagaan wareejinta haamaha shidaalka, waxaanu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay mid dalka ku boobaysa wakhtiga mudi kordhint ay samaysatay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Golaha wakiiladu toban sano inkabadan oo ay kuraasta fadhiyeen waa markii ugu horaysay ee ay shaqadooda qabsadeen, waanan ku hanbalyaynayaa laakiin waxaan leeyahay in aynu maanta ka hadalno in haamihii la wareejiyo may ahayn, maanta in dadka abaaraha iyo biyo la’aantu ay hayso in laga hadlaabay ahayd, xukuumadan Siilaanyo waxay mudo kordhinta u doonaysayba waxay ahayd inay hantida urursato, shidaalka caalamku isaga oo dhulka yaala ayuu maanta umadeena cirka ku marayaa, dawlad ka naxda oo tidhaahda ka daaya ma jirto. waan arkay dad wax xada laakiin wali maan arkin kuwo mustaqbalkana sii xada oo shirkado ay yigu samaysteen oo madaxtooyadii la laayahay dalkii ku sii wareejisa, waxanu wax laga xishoonayo maaha,arinkaas waa in la joojiyaa, xataa hadii uu baarlamaanku ansaxiyo maanu aqbalnee.”