“Xukumaddani iyada ayaa isu qoday oo isku ridday bohol daran oo liidata” – Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

“In badan ayaynu u soo taagnayn dawlad Afrikaan ah oo dariiqa toosan in tay ka leexato qardajeex dhiidhi iyo dhoobo ay ku dhex bakhtido.” – Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka XAQSOOR

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii Xaqsoor ee ku hadhay tartankii doorashada goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay dabayaaqadii 2012-kii, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay ku tumatay horumayatul-qawlka iyo madax-bannaanida saxaafadda Somaliland.

Xasan Ciise Jaaamac 2014Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waxa uu ku tilmaamay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay iyadu isu-diyaarisay Bohoshii lagu ridi lahaa, maadamaa oo dulmi ku hayso saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka, waxaanu sheegay in aanay ugu horeyn dawlad Afrikan ah oo caga-jugleynta shacabkeeda iyo xorriyatul-qawlka kala kulanta cawaaqib xumo u horseedda inay ku dhacdo god-madow.

Mujaahid Xasan waxa uu xukuumadda ugu baaqay in aanay qaladkeeda ku adkaysan balse ay saxdo isla markaana ay xoriyaddooda iyo madax-bannaanidooda u soo celiso Xarumaha War-baahineed ee iyada u xidhan ee ay ka mid yihiin Wargeyska Haatuf iyo Hubaal.

Sidaas, waxa uu Mujaahidku ku sheegay war-saxaafadeed uu Caawa ka soo saaray magaalada Hargeysa, waxaanu isaga oo dhammeystiran u qornaa sidan:

“Nin wasiir ah ayaa laga soo sheegay in dulmiga ay xukumadani ka gashay Haatuf iyo Hubaal uu dulmiga ay xukumadani ku hayso saxaafada guud ahaan ka dib dulmigii aan xadka lahayn ee cadaanka ahaa ee doorashooyinkii ugu dambeeyay, xukumadani iyada ayaa isu qoday oo isku riday bohol daran oo liidata. In badan ayaynu u soo taagnayn dawlad Afrikaan ah oo dariiqa toosan in tay ka leexato qardajeex dhiidhi iyo dhoobo ay ku dhex bakhtido.

Dhawr arimood ayaa jira oo aduunku maanta fiira gaara u leeyahay. Waxa ka mida arimaha saxaafada,arimaha haweenka,arimaha dadka laga tirade badan yahay iyo arimo dhaqan. Kuwa dambe aduunka waa lagala doodi karaa qaababkooda iyo qorshahooda. Laakiin arimaha saxaafada aduunka waxa uga yaal nidaam mudo dheer la soo tijaabiyay oo cid kasta faa’iidoo u ah.

Sababta oo ah xoriyada saxaafadu waxa ay ka kaw tahay xoriyatul qawlka oo iyaduna kaw ka ah xoriyada iyo xurmada aasaasiga ah ee bilaw aadmiga oo dhan. Laba arimood oo aasaasi ah ayaa seegay xukumaduna, markii ay xidhay wargeesyadii Haatuf iyo Hubaal.

Kaw, waxa seegtay inay xukumadu baadhitaan madaxbanaan oo shicibku ku kalsoonaan karo ku sameyso eedeymihii ay wargeesyadu u soo jeediyeen. Baadhitaankaasi hadii uu u markhaati furo wargeesyada, wargeesyadu abaalgud ayay leeyihiin. Hadii se baadhitaankaas madaxabanaani uu cadeeyo inaanay wargeesyadu qorin eedeymo sax ah, ama aanay ku qaldamin arinta ayaga oo ka daacad ah . waxay ahayd in markaas arintooda loo maro xeerka, saxaafada ooy ku muteysan karaan ganaax mudaysan,” Ayuu Mujaahid Xasan ku yidhi War-saxaafadeedka uu caawa ka soo saaray Hargeysa.

Imika iyo haatan, xukumada waxa waajib ku ah inaanay qaladkeeda ku adkaysan ee ay sida ugu dhakhsaha badan u soo deyso madaxa Haatuf ee dulmiga ku xidhan iyo inay xayiraada ka qaado labada wargees ee Haatuf iyo Hubaal.”