Garsoorka Gobolka Maroodijeex oo lagu tabobaray Doorka Shareecada Islaamka ee Maxkamadaha

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa Isniinta maanta tababar u soo xidhay 25 xubnood oo isugu jira Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyaal ka tirsan Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex.

Tabobarka oo shalay furmay, waxa duruus ku saabsan Doorka Garsoorka ee Dabbaqaadda Shareecada Islaamka ku qaadanayey Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyaal ka kala tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa iyo Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda UNDP, ayaa xeel-dheerayaashii bixinayay duruusta iyo xubnihii ka soo qayb galay tababarku ku lafa-gureen doorka ay Shareecada Islaamku siisay garsoorka, waxaanay kaga doodeen mawduucyo kala duwan oo taabanaya nidaamka ay Diintu u jidaysay garnaqa iyo miisaanka ay leedahay hubinta iyo u dhaba-galka cadaymaha la xidhiidha dacwadaha.

Advertisement

Cabdi Ibraahin Aadan oo ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex oo ku hadlayay afka ka soo qayb galayaasha ayaa sheegay in ay aad uga faa’iideen tababarkan muddadii uu socday, waxaanu Maxkamadda Sare u soo jeediyay in la badiyo tababarada noocan oo kale ah.

Dr Xuseen Xasan Cali oo ka mid ah xeel-dheerayaashii bixinayay tababarka ayaa isaguna geestiisa xusay in garsoorku ka mid yahay meelaha ay bulshooyinku ka horumaraan, waxaanu xubnihii ka soo qayb galay u hoga tusaaleeyay ahmiyada ay leedahay shaqada ay hayaan iyo sida ay ugu horumarin karaan qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa qaadaa dhigay faa’iidooyinka ay ka dhaxleen tababarka ee ku qotomay Shareecada gaar ahaan nidaamka gar-qaadista iyo sugida cadaymaha, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay ku dhaqmi doonaan duruusta ay qaateen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo tababarka soo xidhay, ayaa tibaaxay aqoonta ku duugneyd tababarka oo uu sheegay in dedaal badan la galiyay sidii loogu soo koobi lahaa laba cisho, maadaama muddo lix bilood ama sannad ah lagu qaato. Guddoomiyaha ayaa xubnaha ku baraarujiyay ahmiyada Shareecada Islaamka ay leedahay.

“Markaynu Garsoorka nahay ta aynu ku bad-baadaynaa waa Shareecada Islaamka, dacwad kasta ood qaadaysaan waa in Shareecada lala eego, waa ta aynu nafteena ku bad-baadinayayno, umaddana aynu ku bad-baadinayno, awlaadeena aynu ku bad-baadinayno, aakhiradeenana bad-baadinaysa,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaas ku daray in tababarro kale ee la xidhiidha Shareecada Islaamka oo ay codsadeen xubnihii ka soo qayb galay tababarku uu suurto-galintooda gaadhsiin doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On