Xubno Ka Soo Goostay Khaatumo Oo Soo Gaadhay Caynabo

Caynabo (SL.Post) Xubno iskugu jira masuuliyiin iyo madaxdhaqameed ka tirsanaa Kooxda Khaatumo, ayaa galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Caynabo ee gobolka Saraar, waxaan soo dhaweyntooda ka qayb-qaatay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

 

Xubnahan waxa ka mid ah Kayse Cabdi Yuusuf oo hore xilka Wasiiru Dawlaha nabadaynta gobolada bariga uga soo qabtay Somaliland, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin sidan:-

 

. Wasiirka arrimaha gudaha Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf.

 

. Wasiirka arrimaha dibadda Khaatumo

 

. Xildhibaan Yaasiin Axmed Sulub

 

. Xildhibaan Bayaar

 

. Jiif Caaqil Axmed Cumar Caydh-boob

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in wefti ka tirsan Xukuumadda Somaliland ay u ambabixi doonaan magaalada Caynabo si ay wada-hadal iyo kulamo ula yeeshaan xubnahan ka soo goostay Khaatumo.

 

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa