Xubin ka tirsan Guddigii hore Doorashooyinka oo iftiimiyey Laaluush ay bixisay Shirkad Dacwad Musuq-maasuq kaga socoto dalka Ingiriiska

Waxa kale oo gal-dacwadeedka maxkamadda lagu sheegay in lacagta guud ee shirkaddu labada jeer heshay ahayd $147,795, iyada oo shirkaddu taas beddelkeeda lacag dhan 37,000 Dollar laaluush ahaan u siisay Wakiilka u dhexeeyay Cabdiraxmaan Cumar, halka Cabdiraxmaan Cumar-na uu lacag dhan 12,314.

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee wakhtigoodu dhammaaday, ayaa markii u horeysay ka hadlay Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo Dacwad Musuq-maasuq ka socoto Maxkamad ku taala magaalada London, iyada oo loo haysto lacago laaluus ah oo ay siisay Guddiyada Doorashooyinka Dhowr waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika, kuwaas oo Somaliland ku jirto.

smith_SomalilandShirkadda oo lagu magacaabo Smith & Ouzman Limited (S&O) oo khibrad dheeraad u leh daabacadda Waraaqaha Codbixinta doorashooyinka iyo Imtixaannada, waxa dacwad ku oogay Guddiga daba-galka Musuq-maasuq ee dalka Ingiriiska, waxaana loo haystaa lacago laaluus ah oo ay ku bixiyeen qandaraasyo ay ka qaadatay Guddiyada Doorashooyinka waddamada Somaliland, Kenya, Ghana iyo Mauritania, iyada oo lacagaha laaluuska ah ee shirkaddu bixisay ay dillaaliin ka ahaayeen shakhsiyaad u dhexeeyay labada dhinac.

Xidhiidhka Dhexeeya Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Shirkadda fadeexadaha Musuq-maasuq loo haysto waxa fududeeyey muwaadin u dhashay Somaliland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar oo dalka Ingiriiska kaga shaqaysanayey shirkad lagu magacaabo UK Global Tech, iyada oo sannadkii 2010-kii uu ku guulaystay in Guddiga Doorashooyinka Somaliland qandaraaska daabacadda waraaqaha iyo Kaadhadka diiwaangelinta siiyaan Shirkadda Smith & Ouzman Limited.

Haseyeeshee dacwadda loo haysto shirkaddan iyo inay ku lug-lahaayeen wax musuq-maasuq ah oo qandaraaska daabacadda Waraaqaha ku baxay iska foogeyey isla markaana beeniyey Cabdiraxmaan Diixood oo ka tirsan Todobada Xubnood ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, waxaanu dacwadda shirkadda loo haysto ee laaluushka lagu bixiyey qandaraasku Waraaqada codbixinta Somaliland ku riixay Guddigii Doorashooyinka ee iyaga ka horreeyey.

“Haddii ay Dacwadaasi anaga nagu socoto oo ay jirto in yar oo tuhun ah Hay’adaha iyo Beesha Caalamka ayaa arrintaas inagaga boodi lahayd, ilaa hadda si toos ah ayey inoola shaqaynayaan. Ta kale Komishan ahaan wax raad ah oo ku saabsan tibaaxaha la hayo oo lala xidhiidhinayo nin Reer Somaliland ahi in uu la samaeeyey Komishankii naga horeeyey mooyee, ma jirto wax aanu anagu ku lug leenahay oo la hayaa. Komishan ahaana marka aanu Qandaraas bixinayno wax nagu koobnaa anaga oo kaliya muu ahayne Qaadhaan bixiyayaasha ayaa goob joog ka ahaa, maadaama ay dhaqaalaha bixinayeen iyagaaban aqbalayn waxaanay ogayn in lagu tallaabsado,” Sidaas waxa yidhi Cabdiraxmaan Dixood oo u warramay Wargeyska Waaheen.

Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ahaa laba xubnood oo ka tirsan guddiga Doorashooyinka oo loo xil-saaray inay soo qiimeeyaan Tayada Daabacadda Waraaqaha Doorshada iyaga oo booqasho ku tagay Wershadda ay wax ku daabacdo Shirkadda Arrimaha Musuq-maasuq loo haysto ee Smith & Ouzman Limited oo ku taala Dalka Ingiriiska. Iyada oo isla wakhtigaas Agabkii u horeeyey ee doorashooyinka la keenay bishii April ee sannadkii 2010 oo ku beegnayd laba bilood ka hor doorashadii Madaxtooyada.

“Anigu waxaan ka mid ahaa labadii xubnood ee hawshaas loo xil saaray shirkadda qanadaraaska ku guulaysatayna sadex jeer bay soo daabacday Agabka Doorashada laba jeer oo naga horeeyey iyo labadii aanu anagu qabanayba, halka ay Dacwadda ku socota Somaliland lagaga soo xoqayaan waa wakhtigii Diiwaangelinta oo ay doonayeen inay ka qayb qaataan, mabay ahayn Agabka Doorashada, anigaa ahaa ninkii tagay wershadda Runtii waa Shirkad weyn oo waxyaabo badan daabacda waxa lagu dacweynayaana inagaba ma aha, inaga waxa la sheegayo inay siiyeen inanka wakhtigaas la xidhiidhay waxa weeyi soddon kun oo Dolar, markaa waxaan odhan karaa wax musuq maasuq ah oo ka dhacay Doorashada ma jirto, waraaqaha iyo Agabkubana waxay ahaayeen kuwo xafidan oo xataa anagay nagu adkayd in aanu saamayn ku yeelano, waxay ku shaqaynayeen wixii aanu u gudbinay oo aanu tallaabo talaabo markii danbe uga tirsanay, haddii wax la musuq maasuqay oo qayb ka mid ah agabka ay cid kale u gacan gashay goobaha ayay ka soo bixi lahaayeen,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Dixood.

Haseyeeshee, sida ku cad gal-dacwadeedka eedaymaha lagu oogay Shirkadda oo shabakadda Somalilandpost ka soo xigatay warbaahinta dawladda Ingiriiska oo daabacday, waxa shirkadda S&O iyo Ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar, ayaa ku heshiiyey in ku Laaluushaan masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Somaliland si ay u qaataan Qandaas lagu daabacayey Agabka doorashooyinka oo ay ka mid ahaayeen Kaadhadhka, waraaqadaha iyo Khadka Codbixinta oo ay markii dambe ku guulaysteen.

Lacagta Shirkaddu Qandaraaska ku qaadatay oo ka badnayd Hal milyan oo Dollar, ayaa bixinteeda loo qaybiyey Saddex weji, iyada oo sida dacwadda laga akhriyey maxkamadda ay guddiga doorashooyinka bixiyeen laba qaybood oo kaliya, iyada oo lacagtaasi sii maraysay hay’adda Interpeace. Waxa kale oo gal-dacwadeedka maxkamadda lagu sheegay in lacagta guud ee shirkaddu labada jeer heshay ahayd $147,795, iyada oo shirkaddu taas beddelkeeda lacag dhan 37,000 Dollar laaluush ahaan u siisay Wakiilka u dhexeeyay Cabdiraxmaan Cumar, halka Cabdiraxmaan Cumar-na uu lacag dhan 12,314 Dollar laaluush ahaan u siiyey Masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka, isaga oo lacagtaas u sii mariyey gacan saddexaad, sida lagu sheegay gal-dacwadeedka la horkeenay maxkamadda ka gar-naqaysa dacwadda loo haysto Shirkadda.

wwWaxa Xusid mudan inay dalka yimaaddeen Masuuliyiin ka tirsan Shirkadda S&O oo uu ka mid yahay Christopher Smith, kuwaas oo magaalada Hargeysa soo gaadhay bishii August ee 2013-dii, iyada oo guddiga Doorashooyinku munaasibad ay shahaado-sharaf ku guuddoonsiiyeen ugu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET.

contact@somalilandpost.net