Xubin ka mid ah Qoyska Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Shan Qof oo kale ku dhaawacyo Shil-baabuur

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Lix qof oo uu ku jiro Wiil uu dhalay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen shil baabuur oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay jidka laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Shil baabuur ee sababtay dhaawacyada, ayaa ku yimi Kolonyo baabuur ah oo la socotay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal ugu sii jeeday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana isku dhacay gaadhi ka mid ah kolonyadii  baabuurta la socotay madaxweyne ku-xigeenka o ilaaladiisu saaraayeen iyo baabuur shicib ah oo ka soo kicitimay magaalada Berbera.

Saddexda qof oo saarnaa gaadhiga ilaalada madaxweyne Ku xigeenka oo uu ku jira Wiil uu madaxweynuhu dhalay oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan, ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaadheen shilkan, halka saddexda qof ee kale oo saarnaa baabuurka dadka shacabka ahi wateen la sheegay in laba ka mid ah dhaawacyadoodu culus yihiin

Lixda Qof ee dhaawacyadu ka soo gaadheen shilkan, ayaa la keenay Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo xaaladdooda Caafimaad lagu baxnaaninayo, halka madaxweyne Ku-xigeenkuna uu safarkiisa iska sii watay isla markaana uu xalayba gaadhay magaalada Burco.

Somalilandpost.net