Xoogagga TPLF oo ka baxaya Gobollada Amxaarada iyo Canfarta

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Dhexe ee Ethiopia, yaa isaga baxaya gobollada Woqooyi ee deriska la ah, taas oo noqonaysa tallaabo loo qaaday xabbad-joojin suurtagal ah oo lagu xallinayo dagaalka culus ee 13-ka bilood ka socday dalkaas.

Qoraal uu hoggaamiyaha TPLF u qoray xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayuu ku sheegay in xoogagga TDF ayaa ka baxayaan gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ay isku hor-fadhiyaan Milatariga Ethiopia si loo gaadho nabad-waar oo dagaala lagu hakinayo.

“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkayagan geesinimada leh ee ka bixitaanku uu noqon doono bilowga nabadda,” Sidaas waxa yidhi Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka Woqooyi ee Tigray.

Warqad uu u diray Qaramada Midoobay waxa uu Gebremichael, ku baaqay in la sameeyo aag ka caaggan duulimaadyada diyaaradaha dagaalka ee Tigraay, isla markaana la saaro cunaqabataynta hubka Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, lana sameeyo hab lagu xaqiijiyo in xoogagga hubaysan ee aan Itoobiyaanka aheyn ay ka baxeen gobolkooda.

Dagaalka ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika ayaa khalkhal galiyay gobolka Geeska Africa. iyada oo 60,000 oo qaxoonti ah galeen dalka Sudan.

Debretsion wuxuu sheegay inuu rajaynayo ka bixitaanka xoogagga Tigrayga ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada ay ku qasbi doonto beesha caalamka inay xaqiijiso in cunnada gargaarka ah ay soo gasho Gobolka Tigrayga.

Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedeysay dowladda in ay waddo go’doomin dhab ah eedeymahaas oo ay dowladdu beenisay.

“Waxaan rajaynaynaa in marka aan ka baxno, beesha caalamku ay wax ka qaban doonto xaaladda Tigrayga maadaama aanay hadda ka dib marmarsiinyo ka dhigan karin in ciidamadayadu ay duulaan ku yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” Sidaas waxa Reuters u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net