Xoogagga Tigray-ga oo sheegay inay Qabsadeen Magaalo kale oo Muhiim ah

Addis Ababa (SLpost)- Jabhadda Tigrayga ee dagaalka kula jirta Ciidamada Milatariga Ethiopia, ayaa maanta sheegay inay gacanta ku dhigeen magaalo muhiim ah oo ku taalla gobolka Amxaaradda oo uu maro mid ka mid ah labada waddo ee isku xidha caasimadda Addis Ababa iyo Dekedda Jabuuti.

Dagaalyahannada TPLF ayaa gacanta ku dhigay magaalada Kombolcha iyo Madaarkeeda, sida uu wakaaladda Wararka Reuters khadka telefoonka ugu sheegay afhayeen u hadlay Jabhadda oo lagu magacaabo Getachew Reda.

Afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia, afhayeenka Milatariga iyo afhayeenka Ismaamulka Xabashida oo weriye ka tirsan Reuters sheegashadan kala xidhiidhay, ayaan wax jawaab ah ka bixin haddii ay jirto in Kooxda TPLF mar kale qabsadeen magaalo kale oo ku taalla ismaamulka Amxaarada.

In kasta oo aan la xaqiijin Karin qabsashada TPLF ee magaalada Kombolcha sababo la xidhiidha khadka isgaadhsiinta oo ka go’an, haddana qabsashada Kombolcha ayaa loo arkaa inay tahay guul wax-ku-ool ah oo ay dagaalyahannada Tigraygu ka gaadheen dagaalka u dhexeeya Milatariga Federaalka Ethiopia iyo kuwa Ismaamullada dalkaas oo muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jiray hawl-gallo ay gobolka Amxaarada kaga saarayaan dagaalyahannada Tigrayga.

Magaaladan ku taalla dhulka Istaraatajiga ah oo 380km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa noqonaysa magaalada ugu durugsan gobolka Amxaarada ee dagaalyahannada TPLF gacanta ku dhigaan tan iyo markii ay weerarka ku bilaabeen gobolkan bishii July ee sannadkan.

Afhayeenka jabhadda TPLF, Getachew, ayaa Sabtidii shalay shaaciyey inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Dessie oo ku taalla woqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo gabbood u ahayd tobanaan kun oo qaxoonti Amxaaro ah oo dagaalka ka cararay. Haseyeeshee, dowladda Ethiopia ayaa beenisay jiritaanka warkan.

Muddo sannad ah ayaa laga joogaa markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Milatariga Federaalka iyo TPLF oo muddo 30 sanno gacanta ku hayay siyaasadda dalka Ethiopia, ka hor intii aanu xukunka laga wareegin Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo Kursiga fuulay sannadkii 2018-kii.  Kumanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka, waxaanu barakiciyey in ka badan laba Milyan oo guryahooga ka qaxay.

Xoogagga Tigrayga ayaa bilowgii dagaalka lagu jabiyey, haseyeeshee bishii July ayay dib u qabsadeen gobolka Tigray, iyagoo markii dambe ku soo siqay Ismaamullada Amxaarada iyo Canfarta oo ay qabsadeen, waxaanu weerarkaasi sababay inay barakacaan boqolaal kun oo ah shacabkii ku noolaa gobollada Amxaarada iyo Tigrayga.

Badhtihii bishan October, xoogagga Tigray ayaa sheegay in Milatariga Federaalku weerarro ku soo qaaday si looga saaro gobolka Amxaarada

Milatariga Federaalka ayaa Xoogagga Tigrayga ku eedeeyey inay weerarradii u dambeeyey ee sababay dagaalka socda ay iyagu soo qaadeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net