Xogta Qorrax-madoobaad Maalinta Berri Ku Beegan iyo Waddamada Laga Arki Doono

Hargeysa (SLpost)- Qorrax-madoobaad dhammeystiran ayaa la filayaa inuu dhaco maalinta Berri oo taariikhdu tahay 8-da bishan April 2024 ama 29 Ramadan 1445-ka.

Qorrax-madoobaadkan ayaa si dhammeystiran looga arki doonaa saddexda waddan ee ku yaalla Woqooyi Qaaradda Ameerika oo kala ah Maraykanka, Mexico iyo Canada, waxaanu socon doonaa muddo lagu qiyaasay hal saac oo iftiinka qorraxdu gebi ahaanba ka maqnaan doono Woqooyiga Amerika iyo qaybo ka mid ah Koonfurta Ameerika iyo Galbeedka Yurub oo qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto.

Sida culimadu Saynisku aamisan tahay, qorrax-madoobaadka ayaa ku yimaadda marka Dayaxu kala dhex-galo qorraxda iyo Dhulka.

In kasta oo aan dunida inteeda badan laga arki doonaan dhacdadan, waxa la sheegay in aragtida qorrax-madoobaadka dhammeyska tiran uu ka bilaabmi doono Woqooyi Ameerika 16:38, 08 April, 2024 oo ku beegan 07:38 Fiidnimo, 08 April, 2024 saacadda Bariga Afrika.

Qorrax-madoobaad aan dhammeystirnayn ayaa laga arki doonaa Waddamo ku yaalla Yurub, Latin America iyo Jasiirado ku yaalla Badweynta Atlantic iyo Pacific, kuwaas oo ay ka mid yihiin:- American Samoa, Anguilla, Antigua and Barbuda  , Aruba, Belize, Bermuda, British Virgin Islands, Cabo Verde, Caribbean Netherlands, Cayman Islands, Colombia, Cook Islands, Costa Rica, Cuba, Curaçao, Dominica, Dominican Republic, Ecuador, El Salvador, Faroe Islands, France, French Polynesia, Greenland,  Guadeloupe, Guatemala, Haiti, Honduras, Iceland, Ireland, Isle of Man, Jamaica, Kiribati, Nicaragua, Norway, Panama, Portugal, Puerto Rico, Russia, Saint Kitts and Nevis,  Spain, The Bahamas, US Virgin Islands, United Kingdom iyo Venezuela.

Dhacdadii u dambeysay ee sidan oo kale dunida qaybo ka mid ah looga arko qorrax-madoobaad dhammeystiran, ayaa ahayd Sannadkii 2017-kii oo laga arkay Woqooyi Ameerika. Halka qorrax-madoobaadka dhammeystiran ee kan ku xiga la saadaaliyey sannadka 2026-ka oo laga arki doono qaaradda Yurub.

Marka laga yimaaddo qorrax-madoobaadka, waxa sidoo kale dunida ka dhaca Dayax-madoobaad oo yimaadda marka Dhulku kala dhex-galo Qorraxda iyo Dayaxa, maxaa yeelay waxa la aamisan yahay in Dayaxu iftiinka ka qaato Qoraxda.

Sida aanu ka soo xigannay khubarada sayniska, qorrax-madoobaad kasta oo dunida ka dhacaa, waxa uu yimaaddaa laba toddobaad ka hor ama kaddib marka Dayax-madoobaad ka dhaco dunida.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net