Xogta Diyaaradaha Milatariga Maraykanka oo La Sheegay Inay Fadhiisteen magaalada Caynaba

Waxa ay Ahayd Gelinkii Dambe ee Khamiistii Shalay markii  magaalada Caynaba ku soo degtay diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Maraykanak ( United States Air Force ).

Diyaaradan oo nooceedu yahay Hercules C-130, ayaa abbaaro 3-dii Galabnimo ka soo kacday Saldhigga Milatariga Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ee Camp Lemonnier.

Diyaaradda Milatariga Maraykanka ayaa abbaaro 4-tii Galabnimo iyo Dheeraad Cagadhigatay magaalada Caynaba oo ay fadhiday muddo ku dhow Hal Saac.

Muuqaalka Hoose ayaa muujinaya Duulimaadka wakhtiga diyaaraddu u kala socotay labada goobood.

Lama Oga ujeeddada safarka diyaaradda milatariga Maraykanka, haseyeeshee, diyaaradda oo nooceedu yahay Hercules C-130, ayaa ah nooca xamuulka waxaana loogu talo-galay inay fadhiisato buuraha dushooda, bannaan, webi iyo Baddaba,