Xogo ka soo baxay Weerarkii Wershadaha Sucuudiga iyo Sare-u-Kac ku yimi Qiimaha Shidaalka Dunida

Bariga Dhexe (SLpost)- Mareykanka ayaa soo saaray sawirro iyo xogo sirdoon oo muujinaya in Jamhuuriyadda Iiraan ay ka dambeeysay weerarkii todobaadkan lagu bartilmaameedsaday wershadaha shidaalka ee Boqortooyada Sucuudiga.

Dowladda Iiraan waxay beenisay eedeymaha uu usoo jeediyay Mareykanka halka Jabhadda Xuutiyiinta ee ee dalka Yemen ay iyagu sheegteen inay ka dambeeyeen weerarka.

Xogyaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah oo lagu qanci karo, ayaa masuuliyadda weerarka ku eedeeyay xukuumadda Tehran.

Saraakiil Amerikaan ah oo aan magacooda la shaacin oo u warramay warbaahinta Jariiradda New York Times, Telefishanka ABC iyo Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheegay in weerarka laga soo abaabulay dhinaca waqooyi-galbeed oo ay uga jeedaan dalka Ciraaq, balse aan laga soo ganin deegaanada ay maamulaan Xuuthiyiinta ee dalka Yemen.

Sare-u-kaca Qiimaha Shidaalka

 

Dhacdadan waxa ay sababtay in uu hoos dhaco boqolkiiba 5 Wax-soo-saarka Shidaalka Caalamka halka qiimaha shidaalkuna uu sare u kacay.

Barmiilkii saliidda Ceydhin ayaa qiimihiisu wuxuu gaadhay $66.28 iyadoo uu boqolkiiba 10 sare u kacay.

Jeffrey Halley oo ka faalooda suuqyada shidaalka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ay ka dhalatay dhibaatooyin siyaasadeed markii uu weerarka uu dhacay kaddib.

“Arrinta ugu weyn waxay tahay , sida uu yahay ammaanka badqabka kaabayaasha dhaqaale ee Sucuudiga weerarka kaddib” sidaas ayuu sheegay Jeffrey Halley.

Shirkadda saliidda soo saarta ee Aramco oo ay si gaar ah u leedahay dowladda Sucuudiga, ayaa ah shirkadda ugu weyn ee caalamka u iib geysa Saliidda, iyadoo kaligeed bixisa 10% ka mid ah Shidaalka laga isticmaalo caalamka.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com