Xoghayihii Guud ee Ururka SOLJA oo si heer Qaran ah loogu aasay Hargeysa iyo Weedhihii laga yidhi Shakhsiyaddiisa iyo Halgankii uu ugu jiray Xoriyatul-Qawlka

HARGEYSA (SLpost)- Alle ha u Naxariistee Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa maanta si heer qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Xeedho ee Duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa.

Wasiirada Xukumadda qaarkood, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Xildhibaano, Maayarka Hargeysa, Bahda Saxaafadda Somaliland, weriyeyaal Caalami ah oo ka socday Ururrada Saxaafadda Caalamka iyo Kumanaan qof oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.

maxamed-rashiidMaxamed-rashiid ayaa ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala Nairobi oo qalliin loogu sameeyey jug iyo dhaawacyo ka soo gaadhay shil baabuur oo isaga iyo laba suxufi oo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee SOLJA ku jiro ay ku galeen duleedka Galbeed ee magaalada Berbera oo ay ku sii jeedeen.

Dadka Aqoonta dheer u lahaa Maxamed-rashiid ayaa ku tilmaamay Shakhsi Mabda’ adag lahaa oo kaalin laxaad leh ka soo qaatay u dagaalanka Xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda saxaafadda madaxa-bannaan.

HALKAN KA DAAWO