Xoghayaha Guud ee WADDANI oo Xukuumadda ku Eedeeyay Hagrashada Ciyaaryahannada Gobolada

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaga guud ee Xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan xisbiga ayaa waxa uu ka waramay xaaladda dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciyaaryahanada gobolada Somaliland ee la soo casuumay ee badidooduna Hargeysa joogaan in la hagraday islamarkaana waxa uu sheegay in markii hore si aad fiicnayn loo maareeyay.

 

Uurcadde oo arrimahaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Xaaladda dadka guud ahaan waad la socotaanoo waxaan dadweynaha ugu baaqaynaa in ay nabadgelyadooda ilaaliyaan iyada oo xukuumaddii iyo xisbigii dalkan ka tallinayey aad aragtaan waxa ka dhex socda ee is qabqabsi iyo dhibaatooyinka ka taagan ee maalintii la doortay ilaa maanta ay dalka ku hayaan”

 

Isaga oo ka hadlaya ciyaaraha gobolada ee Somaliland islamarkaana dheegay ciyaaryahanadii gobolada ka yimid in ay xaalad dhaqaale darro Hargeysa ku haysato oo la hagarday waxaana uu yidhi “Ciyaaruhu waa wax wanaagsan oo ummada reer Somaliland u baahan tahay , waxaanu aad iyo aad uga xunnahay qaabkii loo abaabulay oo an ahayn qaab sax ah oo dhibaatooyin badan ka dhaceen dadna ku dhinteen. Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay intii soo baxday ee Hargeysa iskugu timid oo maalin walba wasiir isku dul casillayo oo hudheeladii lagu haysto oo gidaarada lagu haysto oo inta goboladoodii laga soo kaxeeyay meel ay istaagaan garan la’. Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda maanta inta ka joogta in ay iyaguna berri is casilli garan maynee in ay hawshaa inamadaa ciyaaryahankaa ee loo yeedhay ee xukuumaddii u yimid in dhibtooda iyo waxay u baahan yihiin ay kala weeciyaan oo ay hawshaa si qarannimo leh uga soo baxaan baannu ugu baaqaynaa”

 

Ugu dambayntii Mudane Uurcadde waxa uu fariin u diray shacabka islamarkaana sheegay in uu uga ducaynayo sharka Kulmiye ee isqabqabsigooda waxaana uu yidhi “ILLAAHAY Nimankaa is haysta sharkooda ha innaga duwo, shacabkana waxaannu ugu baaqaynaa in aannu nin siyaasi dantiisa ku qumisto. Waxaannu ummadda u sheegaynaa Kulmiye waxa ka soo baxaya waad arkaysaan kuwa soo socdaana inay heshiin garan maynee waxaannu ummada ku leenahay ka taxadira”