Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID oo Xorriyaddiisa dib u helay

 

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa maanta xorriyaddiisa dib u helay kaddib muddo dhowr todobaad ah oo ku xidhnaa Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa.

Sidaasna waxa xaqiijiyey Xoghayaha Warfaahinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo boggiisa Facebook ku baahiyey in dammaanad lagu sii daayey Xoghaye Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo muddo 36 Caano-maal ah ku xidhnaa Xarunta CID-da ee Hargeysa.

Xoghaye Ramaax ayaa Xabsiga loo taxaabay 26-kii bishii December ee sannadkii hore kaddib markii uu Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax hay’adaha sharciga u gudbiyey dacwad ka dhan siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan oo uu ku eedeeyey inuu hadallo sharaftiisa dhaawac geysanaya ka sheegay warbaahinta, sababtaas awgeedna looga yeedhay xarunta ciidanka dambi-baadhista oo uu ilaa wakhtigaas ku xidhnaa.

Haseyeeshee, Guddoomiye Baashe oo maalmo kaddib la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inuu xafis u fidiyey isla markaana dambigii uu u haystay ka saamaxay Mr Ramaax kaddib markii ay u yimaaddeen odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda beeshiisa oo uu ka aqbalay balse uu ku xidhay shuruud ah inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalkaas.

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa noqonaya masuulkii Saddexaad ee Xukuumaddu ka xidho Xisbiyada Mucaaradka ah muddo laba bilood gudahood ah, waxaana ka horeeyeyXoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Xisbigaas Barkhad Batuun oo muddo toddobaaddo ah ku xidhnaa Xabsiga Mandheera.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com