Wasaarada arimaha dibada dalka uk oo ku dhawaaqdey inay si degd ega uga soo baxaan somaliland dadka udhashey dalkan UK

 

London -27/01/2012- Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska William Hague oo hadda usii jeeda magaalada Washington ee xarunta dalka maraykanka ayaa isagoo u waramaayey telefishanka GBTV wuxuu ku celiyey oo ku adkeeyey dadka Britishka ah ee ku sugan Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badanleh uga baxaan isagoo sheegay in xogaha sirdoonku ay tilmaamayaan khatar weyn oo kooxaha mayalka adagi ku bartilmaameedsanayaan muwaadiniintooda ku sugan Somaliland

hague

 

Mr. Hague wuxuu sheegay in ay khatartani timid ka dib markii ayuu yidhi ay helleen xog dhinaca sirdoonka ah oo tilmaamaysa in ay jirto hawl gallo kooxaha xagjirka ahi ka wadaan Somaliland wuxuuna sheegay inay dadka Britishka ahi la xidhiidhaan halka ugu dhaw safaaradda dalka ingiriiska oo siin doonta faahfaahin dheeraad ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee ingiriisku mar la weydiiyey inay arrintani ka wada xidhiidheen maamulka Somaliland wuxuu sheegay in marka ay noqoto ammaanka dadka Britishka ah ay tahay doorka dalkiisa inay ilaaliyaan isla markaana wergeliyaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Hague isagoo faahfaahinaya wuxuu yidhi “ka dib dhimashadii Binladen iyo weliba hawlgallada dawladda ingiriisku gacanta ka siinayso dawladaha farasiiska iyo maraykanka la dagaalaka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama beriga, iyo dhulka Saxaraha Afrika waxaa aanu hellayno xogo tilmaamaya in la doonayo in lagu afduubo, lagu dilo islamarkaana lagu waxyeeleeyo dadka Britishka ah ee Somaliland jooga sidii dhawaan ka dhacday dalka Aljeeriya” ayuu yidhi.

Xoghayaha arrimaha dibadda oo la weydiiyey inay digniintani ku koobantahay Somaliland wuxuu sheegay iay hadda xogta ay hayaan ku koobantahay Somaliland.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain wuxuu sidoo kale digniintiisa mariyey boggiisa Twitterka halkani guj

SLpost london