Xoghaya Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID oo Faaqidaad ku sameeyey Qodobbadii ka soo baxay Shirkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirradiisa – Q.2AAD

London (SLpost) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga UCID Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi  oo hadda ku sugan dalka boqortooyada ingiriiska ayaa si cilmiyaysan uga hadlay kulankii dhawaan golaha wasiiradda iyo Madaxweyne Siilaanyo ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada, wuxuuna Mudane Haaruun shirkaasi ku tilmaamay Shil Dhacay oo qosol gariir ku riday carruur iyo cirroole.

Waa tan qaybtii labaad ee Qormadani”

3A. “Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.”

3B. Waa shil kale ee bal u fiirso – dawladu waxay isla qaadatay, iyadoo maankeedda iyo miyirkeedaba qabta, inay qorshe 130 qodob ka kooban ku fuliso muddo sanad ah!!! Taas micnaheedu waxa weeye, inay toban bilood midiiba 11 qorshe fulayaan, labada bilood ee kalena, midba toban qorshe la fulin doono! Taloow ma 130 qodob bay u jeedaan mise 13? Marka dhab loo hadlo, 13 ka ayaba badan kol hadii aan dhaqaale iyo karti toona loo haynin, laakiin 130 maxay tahay? Ma boqolkiiba sodonkii hadhay baa? Miyaan Geedi Baabuu arladu galinna waayaynin? Boqol iyo sodonka qorshe ma 130 xabadood oo beed ah, ooh hal-hal daaqad looga tuurayaa baa? Qorsheyaashu miyaanay dhaqaale, wakhti iyo fulinba u baahnayn? Malaha waa qorshayaal dahsoon? Dawladu miyaanay warkii ku soo noqon doona ka fikiraynin? Somaliland waxa xalaal laga dhigtay xiliyada ololaha doorashooyinka lagu jiro, in siyaasiyiintu been cadaan ah iska dhuraan, oo waxaanay qaban Karin, iyo waxaanay qiyaasinba ay iska balan qaadaan, markaa, xukuumadu imika xiligaasna kuma jirtee waamaxay xadhkahan ay isku xidhxidhaysaa? Mise cid baan la xisaabtamaynin? Haa, taas dambe ayay u dhawdahay. Xukuumad yaa xisaabiya, saw mucaarid iyo media ha uun maaha? Labadaas midkoodna miyuu SL ka jiraa? Saw xisbiyadii ururo bilaa tamar ah looma badalin, saxaafadiina, wax la laaluusho oo xilal loo dhiibo, iyo wax wasiirada reerahooda lagu saaro hadii ay juuq yidhaahaan maaha? Taasi saw dhab la ogyahay maaha? Isku soo wada duuboo, saw shil dhacay maaha?

– Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye.

– Miyaan Geeddi-Baabow arladu, gelina waayeynin.? (Gudgude, Hadraawi)

4A. “Shirku wuxuu isla qaatay, adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka argagixisada/budhcad-badeeda  iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha  amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.”

4B. Waa shil kale – Maxaa la isla qaatay? In argagixisada iyo budhcadda badaha lala diriro…! Oo awal ma nabad baynu la ahayn? Waa yaabe dawladu miyay iska hadlaysaa uun? Waxay ku hadlayso miyaanay eegaynin, mise wiilashii baa ka saaqiday? Shilka kale, hay’adaha amaanku xidhiidh shaqo oo xoogan dhexdooda may lahayn awal hore miyaa? Taas caalamku ma ogayn ee xataa haday jirto, maxaad dawlad yahay isu kashifaysaa? Ma waxad moodaysaa inay taasi wax qabad noqonayso? Maxaa keenay inaanay hay’adahaaga amnigu xidhiidh xoogan lahayn oo haatan loo samaynaayo? Miyaanay waxqabadkii 70% ka ahaa ku jirin? Waa yaab saw maaha? Shil dhacay uun dheh!

5A. “Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari  iyo Buuhoodle laga sii wado nabadaynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.”

5B. Waa shil kale: Arinta ku saabsan Sool, sanag bari, iyo Buuhoodle, ma imika ayaa la isla qaatay? Shilka kale, horumarinta la sheegaayo, muddo sanawaad ka hor ah baa dhaqaale joogto ah, oo cashuuraha guud ee wadanka laga jaro dhulalkaas loo qoondeeyay, waana la qaadaa oo meelo gooni ah bay ku dhacdaa ee xisaabtaasi xagee ka baxdaa? Taas baaba wax badan qaban lahayd ee maxaa loogu ab-tirin waayay? Sool iyo Sanaag Barri waa hadallo la iska sheegsheego uun saw maaha, ma qorshe cadaan ah oo ku wajahan baa jira? Horumarinta qodobku sheegayaa se waa mid noocee ah? Goorma ayay bilaabmaysaa, goorma ayay se dhamaanaysaa?

6A. “Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta  iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo  madax bannaanida garsoorka.”

6B. Waa shil kale iyo u fiirsi la’aan dhinacii luqada ah: qodobkaasi wax micno ah oo uu samaynayaaba ma jiro haba yaraatee! Waxadba moodaa inuu kala dhimanyahay qodobku oo badh laga ilaaway. “Waxa la isla qaatay inay kor u qaadista cadaalada iyo garsoorku…” Ma imikaad taas ogaatay dawlad yahay? Qodobkaas wax aad uga jeedaanba lama fahmin ee bal ku noqda!

7A. “Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.”

7B. Waa shil kale: dawladyahay waayo? Maxaa imika uun la isula qaatay in dhalinta badaha isku guraysa shaqo loo abuuro? Waayo intii hore? Ma wax baad hagranaysay, mise in shaqo la’aani jirto ayaad hadda ogaatay? Bal noo macnee sababta loo leeyahay waxa la isla qaatay in dhalinta shaqo loo abuuro? Ma hadal la iska yidhi oo aan dhaqaalihii iyo tamartii lagaga dhabayn lahaa la haynin baa, mise waa hadal dhagaha dadka u macaan oo dawladyahay waxad maqashay xadiiskii Nabiga (SCW) ee kalmadda wacanina waa sadaqo? Hadaanay sidaas ahayn, boos kale uma hayo hadalada ku saabsan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka faqriga iyo shaqo galinta dhalinta! Hadii intaasuba dhinayd, miyaanay su’aal galinaynin qiyaastii boqolkii 70 ga ahayd ee dawlada u qabsoontay? Waa shil kale uun ka soo qaad!

8A. “Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tixgelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.”

8B. Cajiib! Waa shil kale: cunto yaraan, biyo yaraan, iyo dhaqaale yaraaniba dadka dhulkan ku dhaqan way haysatay tan iyo intii Ilaahay uumayba, laakiin dawladu hadda ayay ogaatay sida muuqata miyaa? Mashaariicda beeraha, badaha iyo buurahaba lagu daloolinaayo waa wacanyihiin! Ha samaato oo ha la helo ayaanu leenahay, laakiin dhaqaalihii lagu samaynaayay meeesha laga keenaayo miyaad ka ilawday? Maxaad noogu sheegi wayday? Miisaaniyada 2013 ka ee mashaariicdan meel looga samaynayaa waa tee? Waa imisa? Boqol kii million ee Maxamed Xaashi qorsheeyay miyay ka korodhay? Ma wadaadki Samaale ayaa khasnadii cashar ku tufay oo billions bay gaadhay? Geesta kale, hadaan waxyaabahan horey loo qabinin, oo 2013 ka loo dhigay, boqolkiiba todobaatanka dawladu sheegaysaa xagee buu ka fulay? Safarro badan, oo dhaqaale badani ku baxay oo wassiirada dawladu banaanka ugu baxeen ayaa jiray, malaha kuwaas baa ka mid ah waxqabadka 70% ka gaadhaaya ee dawladu tirsanayso! Waa shil dhacay saw maaha?.

LA SOCO QAYB KALE OO XIISO BADAN…..