Xog Caafimaad Oo Lama Filaan Noqotay: Cunista Milixda Badan Waxaa Laga Qaadaa Cudurka Macaanka

Paris (Slpost)- Koox cilmibaadhayaal ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday natiijo dadka badankooda kaga yaabisay oo sheegay in cunista milixda badani ay kaalin ka qaadato cudurka macaanka. Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo la hadlay majaladda Natiijadoodan faafisay ee Metapolsium oo ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa sheegay in natiijadan ay gaadheen ay ina siinayso digniin ah in ay jiraan wax yaabo cusub oo ay tahay in aynu ka feejignaano si aynu isaga ilaalinno macaanka. “Dhinaca cuntada marka aynu ka eegnana wawxaa ka mid ah in aynu iska yarayno milixda iyo sonkorta si aynu isaga ilaalinno macaanka noociisa labaad ee aadka dadka ugu dhaca” ayaa ay yidhaahdeen.

Milixda ayaa la aaminsan yahay in ay kaalin muhiim ah ka qaadato nuugitaanka uu jidhku nuugo sonkorta Gulukoosta ah. Ugu dambayntiina khubaradan oo tijaabooyin kala duwan sameeyey waxa ay xaqiijiyeen in milix badan oo cuntada lagu daraa ay si muuqata u kordhiso heerka sonkorta dhiigga, taas oo macnaheedu yahay in milixda badani ay qofka ku keeni karto macaanka noociisa labaad. Waxaa hore loo ogaa in ay milixdu khatar ku tahay guud ahaan caafimaadka, gaar ahaan dhiigkarka oo ay si weyn u kiciso.

Geeska