Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye oo weerar Afka ah Isku Qaaday

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Kulmiye iyo Waddani, ayaa weerar afka isku qaaday kaddib markii xisbiga mucaaradka ahi dhaliilo u jeediyey Xukuumadda iyo xisbibul-xaakimka.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani waxa uu Xukuumadda ku eedeyey in ay dayaceen Agaasimaha cusub ee dhaqanka Maxamed Cali Weji oo xannuun u jiifa Cusbitaalka ku yaalla Hargeysa, kaas oo dhawaan laga beddelay xilka Agaasimaha telefishanka Qaranka.

Xoghayah Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal usoo dhigay bogga baraha bulshada ku sheegay in masuulkaas la dayacay, xilkiina laga qaaday, isagoo xannuun u jiifa.

“Damiirka dawladnimadeena waxa aad ka dheehan kartaa afcaasha Madaxda Xukumaddu samayso. Shalay waxa isaga oo xanuunsan, Oo dhakhtar yaala shaqadii uu qaranka muddo u hayey si ka baxsan milgaha dawladnimo iyo damiirka umadda looga caydhiyay Agaasimihii Tv-ga qaranka Maxamed Xassan Cali (Waji)” ayuu yidhi

Dhanka kale, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo hadalka Xoghayaha guud ka jawaabayey, ayaa been-abuur xaqiiqada ka durugsan ku tilmaamay dhaliisha loo jeediyey xukuumadda.

“Maanta iyo Been-abuurka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani. Maxamed Xasan Cali (Waji) shalay ayaa Wasiirka Warfaafintu u magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaarada Warfaafinta Qaranka Somaliland. Maxamed Xassan Cali (Waji) waxa looga maarmi waayay khibradiisa shaqo ee ku dhisan waayo aragnimo xeel -dheer iyo Dhaqan yaqaanimo .Waxa nasiib darro weyn ah in xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani ka beensheego xilka loo magacaabay agaasime Maxamed Xassan Cali (waji) kuna tilmaamay in la caydhiyay waana sida aad Jeclaan lahayd,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Kulmiye.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta oo wax ka beddel ku sameeyey qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda ayaa Maxamed Cali Weji oo Ahaa Agaasimaha Guud ee Telefishanka Qaranka u beddelay Agaasimaha dhaqanka iyo wacyigelinta ee wasaaraddaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net