Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo heshiis ka gaadhay Khilaafka Doorashooyinka iyo WADDANI oo mar kale ka Muquurtay

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa maant si rasmi ah ukala saxeexday heshiis ay ka gaadheen khilaaf ka taagnaa Qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

 

Haseyeeshee, waxa heshiiska aan goob ka ahayn Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo muddooyinkii u dambeeyey aan ka qayb-galin shirar ay dhinacyada doorashooyinku khuseeyaan ka yeelanayeen khilaafka ka taagnaa doorashooyinka oo haatan u muuqda mid la soo af-jaray.

 

Haddaba Nuxurka Heshiiska labada dhinac kala saxeexdeen iyo waxa uu xambaarsan yahay kaga bogo Muuqaalkan Hoose.