Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka oo mar kale ka arrinsaday Doorashooyinka iyo Niyad-sami Mucaaradku ka muujiyeen Xil-gudashada Guddiga

Xisbiyada iyo Komishanka oo mar kale ka arrinsaday Doorashooyinka iyo Niyad-sami Mucaaradku ka muujiyeen Xil-gudashada GuddigaHARGEYSA (SLpost)- Xisbiyada Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa mar kale maanta yeeshay Kulan ay kaga arrinsanayaan geeddi-socodka diyaar-garowga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadkan badhtamihiisa.

In kasta oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd Kulanka dhexmaray Guddiga doorashooyinka iyo Madaxda Saddexda Xisbi-qaran, waxyaabaha lagaga wada-hadlay waxa markii kulankaasi dhammaaday si wada-jir ah warbaahinta ugu faahfahiyey nuxurka waxyaabaha laga wada-hadlay Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin, Gudoomiye xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xishiga WADDANI Dr Maxamed Cismaan Fadal oo saddexda Xisbi u metelayey kulankaas.

HALKAN KA DAAWO

Kulankan ayaa noqonaya markii labaad ee ay Xisbiyada Qaranku arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinaha kala yeesheen Komishanka tan iyo markii la magacaabay dabayaaqada sannadkii hore, waxaanay sidan oo kale xisbiyadu kalsooni uga muujiyeen qaabka Komishanka Doorashada ugu diyaar-garoobayaan qabsoomidda iyo hirgelinta diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo la’aanteed aan la qaban karin doorashada, haseyeeshee wakhtiga doorashada ka hadhay oo gabaabsi ah oo kooban awgeed, waxa ay xisbiyada mucaaradku wer-wer xooggan ka qabaan dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka iyo muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyo.