Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga oo taageeray go’aanka Madax-dhaqameedka Awdal, Xukuumadda & Suldaan Wabar-na Baaq u diray

ucidwadani-logoHARGEYSA (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa si wada-jir ah uga hadlay shaay heerka xaaladda siyaasadeed ee Somaliland marayso wakhtigan iyo saamaynta ay nabadgelyada iyo midnimada Qaranka ku yaalan karto.

Waxay labada Xisbi iyo Madashu Xukuumadda talada Somaliland haysa ugu baaqeen in si nabbadgelyo ah ay ku dhammeyso xiisadda ka dhalatay hadal uu Suldaan Abibakar Cilmi Wabar ku sheegay in Awdal ay ka go’ayso Somaliland, isla markaana uu abaabul ka bilaabay deegaannada Xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Itoobiya ee Koonfur-Galbeed ee gobolka Awdal, waxaanay soo jeediyeen in la xaajoodka iyo soo celinta Suldaankaas lagu ixtiraamo Madaxda Dhaqanka Awdal ee hadda gacanta ku haya sida ay sheegeen Salaasadii Salaaddiinta kale ee reer Awdal.

Masuuliyiin ka tirsan Madaxda labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu waxay sidaa ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa shalay, waxaana xubnaha halkaas ka hadlay ka mid ahaa Musharraxa u taagan Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo ugu horreyn ka hadlay Shirkaas Jaraa’id, waxa uu yidhi; “Waxaannu si wada-jir ah uga hadlaynaa arrimihii ugu danbeyey ee ka tagnaa gobolka Awdal gaar ahaanna magaalada Boorama, runtii waxaannu Xukuumadda Somaliland ugu baaqaynaa in arrimaha Awdal Xal nabbadgelyo ah lagu dhammeeyo, oo ay dadkana ka dayso cabbudhinta iyo dhibta ay ku hayso, isla markaan tabashada Reer Awdal xal deg-deg ah ka gaadho.”

Waxaanu Xoghaye Uur-cadde intaas ku daray; “Suldaan Wabar waxaan leeyahay dalkaaga ku soo noqo, Xukuumadduna wixii uu tabanyo ha ka qanciso xalna hawshaasi hallaga gaadho. Arrinta Cabashada reer Awdal in ay Cawdaan xaq bay u leeyihiin, dawladduna marka cabasho loo soo gudbiyo in ay wax ka qabato xaq baa loogu leeyahay.” Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde waxa kale oo uu sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalkii ka soo baxay Salaaddiinta gobolka Awdal ee ahaa in ay nabadgelyo ku dhammaynayaan hawsha Sudaan Wabar.

Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xassan Mataan, ayaa ugu baaqay Suldaan Wabar inuu aqbalo Ergada yo wadahadalka Madaxda Dhaqanka ee Awdal sheegeen inay ku soo afjarayaan xiisadda hadalkiisa ka dhalatay iyo dhaqdhaqaaqiisa-ba, waxaanu yidhi; “Waxaannu Taageersannahay Baaqii ka soo baxay Golaha Dhaqanka ee Awdal, kaasoo ahaa in ay nabad ku xallin doonan xaaladda gobolka Awdal, runtii waa arrin wanaagsan oo aannu ku faraxsan-nahay inay hawshaasi la wareegaan Odeyaasha gobolku, waxaannu leenahay Xukuumaddu ha u dayso Salaaddiintaas arrinta. Waxa xaqiiq ah in aan reer Awdal Somaliland looga baqayn in ay ka timaaddo wax Qarannimada Somaliland ka soo horjeeda, Awdal waa meeshii Somaliland laga dhisay ee dawladnimadeennu ku soo aasasantay, Odayaasha Awdal joogaana waa Odeyaal Somaliland taariikh ku leh, Suldaan Wabar waxaan ugu baaqaynaa in uu qaato wada-tashiga ay ula tageen Salaaddiintu, isla markaan hawsha halkaas lagu soo afjaro.”

“Xukuumadda Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay arrintaasi u dayso Salaaddiinta kana ilaaliso wixii doc wareemi kara. Waxa kale oo aan Cambaareynayaa Falalka Wasiirradu ka wadaan Awdal oo dhib keeni karta iyagaoo dadkii Xidh-xidhaya, xadhigguna waxa uu abuuraa uun Xanaf iyo Xumaan, balse wanaag ma dhalo, Ciidankuna Xeryahooda ha joogan, Suldaankuna wax duullan ah oo uu soo wadaa ma jiro. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in Sharciga la dhawro oo aan la xidh-xidhin Xildhibaannada Xasaanadda Huwan, iyaga oo aan wax denbi ah gacmaha la gelin.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ku hadlayey Afka Madasha Wadda tashiga iyo Toosinta Qaranka oo uu ka tirsan yahay, ayaa sheegay in dadka reer Awdal yihiin Dad Somaliland-nimadu ku dheertay, wax cabsi ah oo looga qabo in ay Qarannimada wax yeelaanna aanayn jirin. “Boorama Taariikh bay ku leedahay Somaliland, marka laga soo bilaabo Barigii Hawd iyo Reseef eeriya la bixiyey gurmadkii ugu horreyey iyagaa sameyey, heshiiskii Degmada Sheekh qayb libaax ayey ka qaateen, Maalintii dhawayd ee qaska layna dhex-dhigay siday Somaliland Xildhibaannada Awdal u badbaadiyeen waad ogeydeen.”

“Markaa, markaynu leenahay Awdal waxaynu isku qaadaynaa wixii oo dhan. Waayo? Hawl ku kooban qof iyo laba in aynu gobolkii oo dhan nidhahaano dhibbaa ka jirta ma aha, waxa kale oo aannu soo dhawaynaynaa Baaqii ka soo baxay Odayaasha Reer Awdal ee ay yidhaahdeen wixii dhib jirta annagaa xallinayna, Ciidammada waxaannu soo jeedinaynaa in Xeryahooda lagu celiyo, Shacabkuna nabadgelyadooda ilaashadaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.