“Xisbiyada mucaaradku waxay ka xun yihiin guulaha Somaliland u soo hoyanaya” – Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeyas (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xisbiyadda mucaaradka ah ku eedeeyay in ay ka xunyihiin guulaha ay Somaliland gaadhay.

 

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay mar uu ka jawaabayey eedayn mucaaradku ugu jeediyeen xukuumadda Tartan Caalami ah oo la sheegay in lagu qabanayo Somaliland.

Maxamed Kaahin

“Xisbiyada mucaaradka ee leh Somaliland laguma qaban karo koobka Wadamada aan la aqoonsan, waxay ka xun yihiin guulaha Somaliland u soo hoyanaya iyo in koob caalamiya lagu qabto Somaliland. Dhawr iyo toban dawladood ayaa adduunyada ka jira oo aan la aqoonsanan.

 

Somaliland caalamku ma aqoonsana, hadda na way inala shaqeeyaan. Midawga Yurub ee dhawr iyo labaantanka dal ah ayaa inala shaqeeya, dalalka Jaamacadda Carabta ayaa inala shaqeeya, heshiisyo caalamiya ayaynu galnay oo Dp World ka mid tahay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga oo maanta ka qayb-galay furitaanka Tartan Orodka ah oo maanta lagu qabatay magaalada Hargeysa.