Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Go’aan ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa kulan ay maanta isugu yimaaddeen go’aan mideysan kaga gaadhay Arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee dalka loo qoondeeyey inay qabsoomaan dhammaadka Sannadka.

War-murtiyeed ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu sheegay inay labada xisbi maanta isugu yimaaddeen kulan ay kaga arrinsadeen arrimaha doorashooyinka, kaas oo ujeeddadiisu tahay hirgelinta heshiis dhexmaray saddexda xisbi qaran ee dalka 27-kii bishii July ee sannadkan isla markaana lagu go’aamiyey soo af-jarista khilaafka hadheeyey doorashooyinka oo gundhig u ahaa Toddobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka, iyagoo Xisbiyada mucaaradku shuruud ka dhigeen in la beddelo xubnaha guddiga ama in lagu daro laba xubnood oo cusub, tiradoodana laga dhigo 9 xubnood.

Haseyeeshee, waxa heshiiskaas Xisbiyada ku gacan-saydhay isla markaana laalay Golaha wakiillada Somaliland oo ay dabada ka riixaysay xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo aan u bogin labada qodob ee mucaaradku shuruudda uga dhigay qabsoomidda doorashada.

Haseyeeshee, war-murtiyeedka ka soo baxay labada Xisbi mucaarad oo iftiimiyey inay ka tanaasuleen dalabkoodii ahaa in laba xubnood lagu kordhiyo Komishanka, waxa ay go’aamiyeen in iyaga oo ka jawaabaya warqad uu madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi 29 Bishii August ku socodsiiyey xisbiyada UCID iyo WADDANI, inay labada xisbi mucaarad maanta isla qaateen inay soo magacaabaan labada xubnood ee u metelaya Guddiga Doorashooyinka.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE