Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Dhawaajiyey Go’aamo Liddi Ku ah Dastuurka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa caawa soo saaray mowqifkooda ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Qabsoomidda Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda.

Khilaafka ka taagn doorashooyinka Somaliland oo soo taxnaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey, ayaa salka ku haya doodda Xisbiyada Mucaaradka oo ku adkaysanaya in doorashada madaxtooyadu ka soo horayso tartanka ururrada Siyaasadda, halka doodda xukuumaddu ka tahay in Doorashadaa ururrada siyaasaddu ka horayso doorashada madaxtooyada.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo warbaahinta wada-jir ugula hadlay Hargeysa, waxa ay soo saareen dhowr qodob oo xambaarsan mowqifka ay mucaarad ahaan ka joogaan Sharciyadda muddo-xileedka madaxweynaha Somaliland.

Advertisement

Waxa ay Xisbiyada mucaaradku sheegeen inaanay maanta laga bilaabo aqoonsanayn sharciyadda madaxweynaha oo ay sheegeen in muddo-xileedkiisu ku eegyahay 13-ka November oo ku beegan Shan sanno kaddib markii madaxweynaha xilka loo doortay sannadkii 13 November 2017-kii.

Waxa kale oo ay labada xisbi ku baaqeen inaanay Ciidamada Qaranku wax amar ah ka qaadan madaxweynaha maadaama oo sida ay sheegeen muddo-xileedkiisu ku eegyahay maanta.

Qodobbada ay labada xisbi mucaarad soo saareen oo ay ka mid yihiin labada qodob ee kor ku xusanayaa ka hor imanaya Dastuurka Somaliland maadamaa mowqifka labada xisbi yahay inaanay aqoonsanyn sharcinimada muddo-xileedka madaxweynaha oo sida dastuurku tilmaamayo ku eg maalinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa xilka loo dhaariyo, taas oo ku beegan 13-ka Bisha December 2022-ka.

Sidoo kale, waxa ay go’aamada labada xisbi liddi ku yihiin muddo-kordhin Laba sanno ah oo Golaha Guurtidu badhtamaha bishii hore u sameeyeen muddo-xileedka madaxweynaha maadaama oo Golaha Guurtidu haystaan sharciyadda iyo awoodda muddo-kordhinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa marka ay soo baxdo inaanay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomi Karin, sida ku xusan dastuurka dalka.

Go’aamada ay caawa soo saareen Xisbiyada Mucaaradka Somaliland wax ka mid ah inay Ciidamada Qaranka ugu baaqeen inay dhex-dhexaad noqdaan oo aanay ka amar qaadan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah abaan-duulaha iyo hoggaamiyaha guud ee Ciidanka Qaranka ee xilligan waajibku saaran yahay.

Arrintan, ayaa noqonaysa markii u horeysay ee dhawaaq noocan ahi ka soo yeedho Xisbi Mucaarad ah tan iyo markii Somaliland u guurtay nidaamka Xisbiyada badan sannadkii 2002-dii, iyadoo marka laga yimaaddo sharciyadda dowladeed ee dalka ka jira, haddana u muuqata faro-gelin ku saabsan arrimaha Ciidamada oo ah udub-dhexaadka dhismaha dowladnimo ee Somaliland leedahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On