Xisbiyada Mucaaradka oo Faahfaahiyey Heshiis ay ka gaadheen Qoondada Kuraasta Beelaha laga tirada badan yahay

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiis laga gaadhay qorshaha loogu talo-galay Kuraasta qoondada Beelaha laga tirada badan yahay oo sida ay sheegeen xal siyaasi ah laga gaadhay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maanta ka qayb-galay kulan loogu yeedhay “wada-tashiga Xisbiyada iyo Beelaha Gabooye”, ayaa ballan-qaaday in ay doorkooda ka qaadanayaan sidii ay Bulshada ka soo jeedda Beelahaasi goleyaasha ugu yeelan lahaayeen cid iyaga metasha.

Advertisement

Khudbado ay ka jeediyeen kulanka, ayaa waxa kale oo ay ku shaaciyeen heshiisyo ay xisbiyadu ka gaadheen qoondada Beelahaas iyo Haweenka.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Advertisement