Xisbiyada Mucaaradka Kenya oo Dhaliilay Hab-dhaqanka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan Nairobi iyo Mudaharaad ballaadhan oo ka dhacay London

londonLondon (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee uu hogaamiyo Raysal wasaarahii hore Kenya, Odinga ee ODM iyo xisbiga ay bah-wadaagta yihiin ee Orange, ayaa nasiib-daro ku tilmaamay qabqabashada xukuumadda madaxweynaha Uhuhu Kenya ku tilmaameedsanayso Soomaalida deggan Nayroobi.

War saxaafadeed xisbiga Orange soo saaray ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan xeryaha loo sameeyey in lagu hayo Soomaalida, taas oo ay ku tilmaameen talaabo dhiirigelin u noqonaysa Shabaab.

Xildhibaan baarlamaanka Kenya ka tirsan lana yidhaahdo Dr. James Nyikal, ayaa sheegay in Shabaab u eegan jirtay fursad ay ku tuuraan bamboo, laakiin xukuumada Kenya wakhtigan siisay fursad markii ay xeryo ku xidhay Soomaalida maxkamad la’aan.

“Al-Shabaab waxay eegan jireen fursad ay dhiig badan ku daadiyaan Kenya, balse xukuumada ay hogaamiyaan Uhuru/ Ruto ayaa siisay fursad. Waxay soo qaadi doonaan weeraro adag, iyagoo ugu soo gabanaya inay u aargudaan Soomaalida lagu xereeyey Kasarani”, ayuu yidhi Nyikal.

Dhinaca kale, Boqolaal Soomaalida ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa banaanbax ay kaga soo horjeedaan dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ka hor-dhigay safaaradda Kenya ku leedahay magaalada London ee Ingiriiska.

Bishan April bilowgeedii ayey ciidamada booliiska Kenya bilaabeen xidhitaanka dadka aan haysan waraaqaha aqoonsiga xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh, ka dib markii bamboo ka qaraxday ku dhinteen lix qof dhamaadkii bishii hore.

SOMALILANDPOST.NET