Xisbigii UDUB oo baaq Aayo-ka-tashi ah u diray Taageerayaashiisii iyo Xubnihii aan ku Milmin Axsaabta Siyaasadda

Hargeysa (SLpost)- Xisbigii UDUB ee ka siibtay jaran-jarada siyaasadda Dalka, ayaa taageerayaashii iyo xubnihii xisbigaa ugu baaqay inuu socdo wada-tashi ku aaddan si loola jaan-qaadi lahaa isbeddelka siyaasadeed ee Dalka.

Bayaan uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Cabdixaliim Maxamed, ayaa loogu baaqay kaadiriintii Xisbiga UDUB, in gobollada dalka laga bilaabay kulmo iyo wada-tashi ay isugu yimaaddeen siyaasiyiin, xildhibaanno iyo Kaadiriintii Xisbiga ee aan ku milmin Xisbiyadii tartanka Doorashada ka qayb-qaatay.

Bayaankaas ayaa isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan: “Waxaan Ku Wargelinayaa dhammaan Kaadiriintii iyo Xubnihii Xisbiga UDUB, ee aan ku dhex-milmin Xisbiyadii/Ururadii tartamayey ama ka xoroobey inay meelna uga guuraan mabda’a Xisbiga UDUB, dibad iyo gudaba inay socoto talo wadareed loo siman yahay oo ku saabsan sidii si wada jir ah loogula  jaanqaadi lahaa isbedelka siyaasadeed ee dalka JSL.  Ka dhacay.

cabdixaliimMudanayaal iyo Marwooyin  waa Qadar Rabbi oo aan la baajin karayn, qalad kasta oo dhacay, in Xisbigii Dimoqraadiyadda bilaabay, baaxadda siyaasadeed lahaa, asaaska dawladnimo iyo astaanta qaranimo ee JSL. Seeska u dhigay,  hirgeliyey dhisme ciidan awood iyo tayo leh, maamul dalka wada gaadhay iyo  xidhiidh dibadeed oo adag, lagu xasuusto hirgelintii iyo aftidii Dastuurka iyo afar doorasho oo si xor, xalaal iyo nabadgelyo ah ku dhacay  uu maanta Saaxadda siyasadeed si fudud uga baxo.

Waxaa sida Dastuurka waafaqsan Dalka lagaga dhawaaqay Saddex  Xisbi Qaran oo kala ah Kulmiye, UCID iyo Waddani, sidaa darteed iyadoo maalmahan dambe aanu Hargeysa iyo Goboladaba ka bilawnay kulamo wada tashi oo ay isugu yimaadeen Siyaasiyiin kala duwan oo ka kooban Wasiiro iyo madax hore, Xildhibaano miisaan leh oo ka tirsan Wakiilada iyo Guurtida iyo Kaadiriintii Madaxda Xisbiga walina fikir ururin lagu jiro, waxaanu ugu baaqaynaa taageerayaasha dibadda iyo goboladaba inay isu habeeyaan sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddelka Siyasadeed, sidii si tafarafuq la’aan ah meel loogu wada guuri lahaa.

Wixii Xidhiidh iyo talo ahna waxa lagu soo hagaajin doonaa E-Mailka: halimusa2@yahoo.com .  Waxa reebban is eedayn aan waxba hadda kordhinayn, taas oo aynu dib ugu dhigan doono Buug aynu ka qori doono Taariikhda Xisbiga.

Allaa Mahad Leh,

Cabdi Xaliim Maxamed Muuse

Xoghayaha Guud ahna K/S Guddoomiyaha Xisbigii UDUB