“Xisbigayagu Ilaa Hadda Musharax Buu Leeyahay Inkasta Oo Siyaasaddu Isbedbedesho..” Eng Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo la waydiiyay inuu leeyahay han musharaxnimo ayaa sheegay in ilaa hadda xisbigiisu leeyahay musharax, waxa uu se sheegay in siyaasaddu isbedbedesho “Xisbigayagu ilaa hadda musharax buu leeyahay inkasta oo siyaasaddu isbedbedesho,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Guddoomiyaha Ucid oo la waydiiyay inuu han madaxnimo leeyahay waxa uu sheegay in wuxuu intaasi siyaasadda ugu jiraa yahay han madaxnimo oo heer qaran ah “Waxaan intaas u socdo een siyaasadda ugu jiraa waxa weeye hammi, hamigaygu laakiin, hammi qaran weeye. Arrinta qaranna in fikraddaadu socotaa weeye. Fikraddaadana waa inaad adigu fulisaa, markaa aniga taas weeye muhiimaddaydu,” ayuu yidhi Eng Faysal oo BBC-da u waramay.

 

Guddoomiyaha Ucid wuxuu sidoo kale sheegay in arrinta Kulmiye sawir xun muujinayso islamarkaana ay bilaamatay xilli laga soo baxay murankii doorashada iyo haamaha shidaalka “Arrintaasi waa arrin xisbi, inkasta oo xisbigu si xun u maamulay oo laga dhigay arrin qaran oo ay olole galeen. Gole dhexe oo 400 ah oo fadhiisanaya in loo ololeeyo oo sidii shacabku cod bixinayaan loo abaabulo may ahayn. Waxan ka baxayaa in haddii ay jiitanto arrinta khilaafka Kulmiye inay dib u dhigi karto doorashada 2017-ka,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Eng Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay sababta wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia u socon waayay waxa uu sheegay inaanay Somalia dhab ka ahayn wada hadalku, taasna ay muujinayso sidii shirkii u dambeeyay loogu soo diray niman reer waqooyi ah.

 

“Imika arrin ayaa socota oo waxaanu isleenahay ma iska dhaafnaa qoladan(Dawladda Xasan Sheekh) intay ka baxayso meesha oo ma sugnaa dawladdaha kale. Labada dawladood ba hadda waxay ku jiraan doorasho. Intaan halka (final stage) ugu dambeysa la gaadhin wax badan ayaa la wada qabsan karaa oo dadkaa la isku fasixi karaa, waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha ammaanka ayaa la is dhaafsan karaa,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Hadalka hogaamiyaha Ucid ee ku aadan inuu leeyahay han madaxweyne ayaa imanaya xilli uu dhawaan sheegay in xisbigiisa musharaxiinta madaxnimada u ah haddii uu ku qanci waayo uu musharaxiinta xisbiyada kale u ololayn doono. Hadalkaasi wuxuu abuuray khilaaf Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal soo kala dhex galay.