Xisbiga Waddani oo Xukuumadda ku eedeeyey inay Lunsiga Hantida Umadda uga faa’idaysanayso Shuruucda Qabyada ah ee Dastuurka Dalka

Somalilandpost NewsHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa lagu eedeeyey inay masuugayso ku dhaqanka shuruucda u dejisan dalka iyo waajibaadka sharci ee jidaynaya wada- shaqaynta hay’adaha dawliga ah ee dastuurku jideeyey.

Waxa xukuumaddu madaxweyne Siilaanyo si gaar ah loogu dhaliilay inay shuruucdii dalka ka horumarisay heshiisyo wasaaradaha qaarkood la galeen shirkado caalami ah, kuwaas oo aan la marin dariiqii saxda ahaa isla markaana aan lala wadaagin macluumadka ku duugan heshiisyadaas iyo nidaamka loo maamulay dhakhligii ka soo xerooday.

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ay u badheedhay inay majaro-habaabiso isla markaana ka tallaabsato sharciyadda dalka ee ku waajibinaya inay goleyaasha Sharci-dejinta dalka horkeento heshiisyada ay la gashay shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya sahaminta kheyraadka dalka ee Shidaalka iyo Macdantu ka mid tahay.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa dhowrkii sanno ee u dambeeyey heshiisyo dakhligeed lacageed dalka u soo xereeyey la saxeexatay dhowr shirkadood oo sahaminta shidaalka iyo Macdanta ah, kuwaas oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa uu Wasiirka Macdanta iyo Tamartu heshiisda kula saxeexday, iyada oo aan goleyaasha sharci-dejinta la horgeynin heshiisyadaas.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo warbaabinta dhowaan wax ka weydiisay sababta aanay wasaaraddiisu heshiisyadaas u horeynin Goleyaasha wakiillada iyo Guurtida, ayaa ku dooday inaanu jirin sharci dhigaya ama ku khasbaya in heshiisyada wasaaraddu gasho la horgeeyo Goleyaasha Sharci-dejinta dalka.

Haseyeeshee, Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Xisbiga Waddani, waxa ay sheegeen in Wasaaradda Tamarta Somaliland u badheedhay tallaabo khal-khal siyaasadeed iyo amniba ka abuuray waddamo adduunweynuhu ictiraafsan yahay oo heshiisyada shirkadaha baadhitaanka kheyraadka ku samaynaya dalka laga qaado.

War-saxaafadeed ay soo saareen guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Waddani, ayaa sidoo kale lagu iftiimiyey saamaynta ku-tumashada shuruucda ku yeelan karto dhismaha dawladnimo ee dalka iyo Sumcadda Somaliland ka kasbatay beesha Caalamka.

War-saxafadeedkaa ka soo baxay Xisbiga Waddani, ayaa ku bilaabmaya sidan:- ”Waxaa in mudda ah Xukuumada dalka ka talisaa iyo Golaha wakiiladu ku murransanaayeen heshiisyadii Wasiirka Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu la galay shirkadaha shidaalka danaynayay iyo kuwa khayraadka kale daneeya. In dastoorka qaranku ama shuruucda kale ee dalka u yaalaa xaq siinayaan in goluhu codsan karo in la horkeeno oo faahfaahin laga siiyo iyo sida wasiirku ku dooday in aanay shuruucda dalka meelna kaga qornayan u soo bandhigista heshiisyadaa uu lagalay shirkadahaa shisheeye Golaha wakiilada.

Ugu horayn Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee Xisbiga Waddani wuxuu xasuusinayaa bulshada Somaliland in markii xukuumada dalka ka talisaa ay mucaaradka ahayd ku doodi jirtay oo waliba ololihii doorashada ku gashay iyadoo maqal iyo muuqaal ahna lahayaa sida ay u xaarantimaynayeen ee ay waxbakamajiraan ku sheegayayeen heshiisyadii dawladii hore ee Mudane Daahir Riyaale Kaahin hogaaminayey la gashay shirkadihii shisheeye ee shidaalka. Mar haddii aan Golaha wakiilada la soo marin oo aan la ansixin heshiisyadaa.

Tusaale hadii aynu soo qaadano arrimaha heshiisyada shidaalka oo hada muran wayn ka taagan yahay dalka Tanzania oo heshiiska noociisu yahay PSA (production sharing agreement) la galay laba shirkadood oo kuwa caalamka ugu waawayn ka mid ah, waxaa la isla mari la’yahay oo mucaaraka dalka iyo hay’adaha qarankaasi aad ugu muransan yihiin heshiisyadaa sida qarsoodiga ah u saxeexday dawladu. Heshiisyadaa oo markii nuqulo ka mid ahi dibada u soo baxeen aad iyo aad bulshada dalkaasi uga murugoodeen lacagaha tirada badan ee dalku ku waayayo mustaqbalka.

Su’aashu waxaa weeye Somaliland oo ah dal curdin ah oo aan aqoonsi caalamka ka haysan fursadaha muhiimka ah ee dalku aqoon kaga korodhsan karo dalalka qaarada Afrika dhibaatoonyinkaa maaraynta khayraadka ka soo gaadhay uga faaiidaysan la’dahay? Ma aqoon daro iyo tayada masuuliyiinta xukuumadu u igmatay ayaa loo sababayn karaa mise xukuumada dalka ka talisa ayaan dan ka lahayn oo aan dalkan loo soo halgamay ee naf iyo maal loo soo huray u tudhayn.

Bulshada Somaliland waaxaan u soo jeedinaynaa inay fiiro gaar ah u yeeshaan dakhliga Wasaarada Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu ay soo bandhigtay in ay ku soo xaroodeen heshiisyo aan daah-furnayn oo dibadaha lagu soo saxeexay lana horkeenin shuruucda dalka u yaala. Dakhligaa oo madmadow badan ku jiro oo dhici karta in hanti farabadan dalka iyo bulshada Somaliland ka maqan tahay.

Arrinkan shuruucda lagu jaangoynayo khayraadka dabiiciga ah, haddii aan aad iyo aad looga taxadarin oo aan lala tashan dadka ku takhasusay arrimaha heshiisyada caalamka u yaala, waxaa dhici karta in dhabar-jab qarankeena ku keeni karto oo halkaa ku waayi karo lacago aan la malayn karin.

Hadaba, guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani, wuxuu halkan ku xasuusinayaa muwaadiniinta Somaliland iyo golayaasha qaranka in Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu si cadaan ah u qeexayo Awoodda uu u leeyahay Golaha wakiiladu ansixinta dhamaan heshiisyada ay xukuumada dalku lagasho sida shirkadaha shidaalka/Khayraadka Somaliland daneeya.

Xukuumadda dalka ka talisaa waxay ka hor marisay heshiisyo aan daah-furnayn shuruucdii dalka u taalay iyadoo ka faaidaysanaysa shuruucda aan dhamaystirnayn ee dastuurka Qaranka Somaliland. Taas oo wiiqday Sumcadii qaranka Somaliland,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay soo saareen Guddiga kheyraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee Xisbiga Waddani.

SOMALILANDPOST.NET