Xisbiga Waddani oo Xayiraadda ka Qaaday Xubintii ugu Magacownayd Guddiga Doorashooyinka

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay inay hakintii ka qaadeen Xubintii ay hore ugu Magacaabeen Komiishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka oo Sannad kasta Adduunka oo dhan laga xuso 8-da Bisha March, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Hakintii ka qaadeen Xubintii ay hore ugu Magacaabeen Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, sidaasi darteedna Xubintaasi uga mid noqonayso Komishanka cusub.

Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar oo xillligan uu WADDANI ka qaaday hakintii saarnayd xubinimadiisa komishanka, ayaa Xisbigu hore u hakiyey ka hor intii aan xubnaha Guddiga Doorashooyinka la hor-geynin Golaha Wakiillada oo xilligaas ansixiyey Lix ka mid ah Toddobada xubnood ee Komishanka.

Guddiga Doorashooyinka oo tiradoodu dhan tahay Toddoba xubnood, waxa marka laga reebo masuulka xayiraadda laga qaaday ka maqan Xubintii xisbiga UCID oo isagu dhawaan is-casilay ka hor intii aanay xisbiyada iyo madaxweynuhu heshiis ka gaadhin khilaafkii Doorashada.

Somalilandpost.net