Xisbiga Waddani oo Xaflad soo-dhawayn ah u sameeyey Taageerayaal Cusub oo ku biiray (DAAWO)

Xisbiga Waddani oo Xaflad soo-dhawayn ah u sameeyey Taageerayaal Cusub oo ku biiray (DAAWO)Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal cusub oo sheegay inay si rasmi ah ugu biireen Xisbigaas, kuwaasoo ka socday degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibad lagu soo dhawaynayey Taageerayaashan cusub, waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga WADDANI oo sheegay inay qalbi furan iyo Farxadi ku dheehan tahay ku soo dhawaynayaan Taageerayaashan cusub ee xisbiga ku biiray, islaa markaana ay cid kasta oo ku soo biiraysa u furan yahay soona dhawaynayo xisbiga WADDAN.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN