Xisbiga Waddani oo war ka soo saaray Qaban-qaabada Shirweynaha iyo Ergooyinka ka Qayb-galaya

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in maanta la soo af-meeray soo-xeraynta Ergooyinka ka qayb-qaadanaya Shirweynaha Xisbigaas oo loo muddeeyey inuu magaalada Hargeysa ka furmo 15-ka Bishan November.

Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Waddani, Ismaaciil Aadan Cismaan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga, ayaa shaaciyey inuu xidhan yahay Soo-xeraynta Liiska Ergooyinka ka qayb-galaya Shirweynaha Xisbiga magaalada Hargeysa ka socon doona inta u dhaxaysa 15-ka iyo 16-ka November 2021-ka.

Haseyeeshee, waxa uu Guddoomiyuhu ka reebay go’aankan qurbe-joogta iyo musharraxiintii Xisbiga ee aan ku soo bixin doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaannada, kuwaas oo uu sheegay in muddo-kordhin loo sameeyey isla makaana ay waraaqahooda soo gudbin karaan ilaa 10-ka bishan.

Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay inay 9-ka Bishan bilaabi doonaan qaybinta Kaadhadhka Ergooyinka shirweynaha 2-aad ee Xisbiga, islamarkaana qof walba kaadhkiisa kala xidhiidhi doono Wakiillada Ergooyinka ee gobollada dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net