Xisbiga Waddani oo Su’aal Geliyey Dagaalka Jabuuti Ula Badheedhay Qaranimada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Facebook kaga fal-celiyey xiisadda dublomaasiyeed ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Jabuuti.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu su’aal geliyey dagaallada Liddiga ku ah Qaranimada Somaliland ee dowladda Jabuuti ka badheedhay tan iyo markii Heshiiska is-afgarad dhexmaray Hargeysa iyo Addis Ababa horaantii Sannadkan.

Guddoomiye Xirsi waxa uu khilaafka ka dhex aloosan Somaliland iyo Djibouti masuuliyaddiisa dusha u saaray madaxweye Muuse Biixi oo uu ku eedeeyey inuu hurinayo colaad aanu waxba ka qaban karin.

Mudane Xirsi Cali wuxuu sheegay inay xisbiga qarankooda la jiraan haddii Somaliland laga gar-daran yahay! balse uu Madaxweyne Muuse Biixi isagu hurinayo “colaad aanu waxba ka tari karin”.

Qoraalka Guddoomiye Xirsi wuxuu u qornaa sidan:- “Djibouti waa Dal aynu walaalo nahay oo saaxiibo nahay, hadii la innaga gar daran yahay annagu qarankayaga ayaanu la jirnaa, laakiin Muuse wuxuu doonayaa colaad aanu waxba ka tari karin.”

Marka laga shidaal qaato hadalka Guddoomiyaha oo muujinaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda talada haysa, ma la odhan karaa wuxuu markhaati-fur u yahay jiritaanka dhaliilaha ay masuuliyiinta xukuumaddu ugu jeediyaan Xisbiga Waddani inaanay isku mowqif ka ahayn difaaca Qaranimada Somaliland?

Waxa kale oo hadalka Guddoomiye Xirsi loo tarjuman karaa Sida ay isugu milmeen fahamka guud ee siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha dibadda oo ku kala duwan meeqaamka halbeegga jaan-goynaya ilaalinta Qaranimada.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeediyey munaasibad uu xadhigga kaga jiray Masxafka Qaranka, ayaa ka hadlay koox sheegatay inay tahay Jabhad xoreyaysa gobolka Awdal oo dhawaan farriin ka soo dirtay gudaha dalka Jabuuti.

Madaxweyne Biixi oo farriin u dirayey dowladda Jabuuti, waxa uu ka digay cawaaqibka ka dhalan karta arrinta ay ka dhawaajiyeen kooxda Jabhadda sheegatay iyo ujeeddada ka dambaysaba.

Somalilandpost.net