Xisbiga Waddani Oo Soo Buuxiyay Jagadii Ictiraaf Raadinta Ay ku Lahaayeen

Hargeysa(Slpost)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa soo buuxiyay xubintii gudida ictiraaf raadinta uu ku lahaa xisbiga Waddani, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray xisbigaasi oo uu ku saxeexnaa gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed, waxaanu warsaxaafadeedkaasu u dhignaa sidan.

“Ujeeddo: Buuxinta Xubinta Gudidda Aqoonsi-raadinta.

Mudane Wasiir,

Tixraac Warqadaada ku taariikhaysanayd 20/3/2016 kuna saabsanayd buuxinta xubinta Xisbiga WADDANI ee Gudidda Aqoonsi-raadinta.

Waxa Xisbiga WADDANI Xubintaas u soo magacaabay Mudane: AXMED XADDI SIDCI.”