Xisbiga WADDANI oo Soo Bandhigay Qabyo-qoraalka Buugga Barnaamijka Xisbiga iyo Guddoomiyaha oo Khudbad Ka Jeediyay

 

Hargeysa(SLpost)Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa magaalada Hargaysa ku soo bandhigay barnaamijka xisbiga oo qabyo qoraal ah. Barnaamijka qabyo qoraalka ah ee Xisbiga WADDANI waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida Guud ee Xisbigu ku dhisan yahay iyo waxyaabahan uu u qaban doono bulshada haddii uu talada dalka ku guulaysto.

Munaasibadda waxaa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland  ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, mas’uuliyiinta iyo ardayda jaamacadaha dalka, madax-dhaqameed, wax-garad, aqoonyahan, culimaa-awdiin, ganacsato, iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Munaasibaad oo imika ka socota magaalada Hargeysa ayaa waxa khubad ku saabsan mabaadiida guud ee xisbiga WADDANI ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan CIRRO waxaana uu sheegay inuu xisbiga WADDANI ka ka shaqayn doono horumarka dalka ,isagoo sheegay  inuu barnaamijkani dalka ku hoggaamin doono caddaalada iyo horumar.

 

Halkan Hoose ka akhriso Khudbadda Mudane Cirro Jeediyay oo Dhammaystiran:

 

Waxa farxad weyn ii ah inaan nasiib u yeesho ka soo qqayb galka munaasabadda soo bandhigidda qabyo qoraalka barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI ugu talo galay inuu hogaamiya qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan mahad naq u soo jeedinayaa dhamaan madaxda xisbiyada, madaxda dhaqanka, ururada bulshada, diblomaasiyiinta , culimada iyo qaybaha kale Bulshada, xildhibaanada baarlamaanka iyo deeganada, Madaxda iyo iyo taageerayaasha Xisbiga ee ka soo qayb munaasabadan.

 

Waxaan Mahad naq u soo jeedinayaa Guddida Qoraalka barnaamijka Siyaasiga ee Xisbiga gaar ahaan xubnaha qabyo qoraalkan soo uruiyey , iyaga oo dadaal weyn iyo waqti badan u huray soo saaristiisa. Xubnahan waxaan ka xusayaa Dr Mohamed Osman Fadal, Muj Cabdiraxman Yusuf Ducaale Boobe , Marwo Faadumo Siciid iyo Abdirashid Jeeni. Waxaan iyana u mahad naqayaa dhamaan xubnaha ku biiray talooda iyo fikirkooda ee kala jooga Somaliland iyo qurbahaba.

 

Barnaamijkan maaha feker qof keliya. Waa isu geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna. Cidii aan u hore uga dhiiban fekerkooda gagcmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waan u furan dhamaan xubnaha iyo taageerayasha Xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somaliland. Waa badeecad aan wada leenahay.

 

Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida Guud ee Xisbigu ku dhisan yahay oo u badbaadinta shacbigiisa hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo ictiraaf. Iyada oo ay faahfaahin doonaan Guddida qoraalka barnaamijka , waxaan ku soo koobayaa qabyo qoraalka qodob guud oo ay ka mid yihiin

 

  1. Mabaadiida guud ee Xisbiga WADDANI oo ku salaysan:
  • Diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan
  • Madaxbanaanida Somaliland iyo dhaaystirka dawladnimo
  • Dhawrista midnimada iyo wada jirka shacabka Somaliland oo ku ku saleysan cadaalada iyo sinaan d.Hiigsi cad , Hogaan toosan oo daacad iyo horumar
  1. Nabad gelyada
  • Tayeynta dhismaha ciidanka qaranka iyo saanadiisa si uu hanto difaaca xuduudaha qaranka
  • Tayeynta ciidanka booliska si uu hanto amaanka gudaha loona tababaro ka hortaggga mdaaharaadka iyo dhawrista xuquuqda muwaadinka
  • Tayeynta Ciidanka ilaalada xeebaha si loo sugo amaanka xuduudka badaha Somaliland
  • Abuusita nidaamka xaq siinta ciidamada iyo nidaamka hawl gabka ciidaanka
  • Dib u eegista iyo wax ka bedelka nidaamka mushahaarooyinka ciidamada. kafaalad qaadashada iyo daryeelka qoysaska iyo caruurta xubnaha ciidanka ee geeriyooda hawl qaran.
  • Sameynta Custabatal Guud ee Ciidamada
  1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda
  • deris wanaag
  • abuuris Qorshe (Road Map) ictiraaf lagu gaadho oo ku saleysan wada tashi qaran
  • Soo celiyo kalsoonidii iyo rajadii umadda iyo hiigsi cad
  1. Qorshaha Maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha
  • Miisaniyadda Goboleysan
  • Dib u eegis Cashuuraha iyo takaaliifta
  • La dagaalanka faqriga iyo saboolnimada
  • Dejinta nidaamka wax iibsiga
  • La dagaalanka musuqmaasaqa iyo laaluushka
  • Dhawrista Hantida Guud iyo Khayraadka Dabiiciga ah.
  • Sameynta Xeerka Hantida Qaranka
  • Abuurista nidaamka hawl gabka qaranka ( National Pension System)
  1. Abuurista barnaamj balaadhan oo shaqo abuuris iyo la dagaalanka tahriibta 6. Horumarinta Arrimaha bulshada
  • Waxbarashada
  • Caafimaadka
  • Shaqada iyo shaqaalaha
  • Dhawrista deegaanka e. Horumarinta reer Miyiga
  1. Xoriyadda saxaafadda iyo dharista xuquuqul insaanka
  2. Dhiiri gelinta iyo ka qaybgelinta siyaasadda ee dhallinyarada, bulshooyinka dulman iyo Haweenka
  3. Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha
  • Sii wadistta iyo dhamystirka mahsaariicda hore u socotay sida wada ceerigaabo
  • Dib u habeynta iyo Dhismaha wadooyinka, dekedaha, madaarada.
  • Suuq geynta khayraadka dalka ( Xoolaha, xabagta, hargaha iyo beeyada)
  • Daraasadeynta iyo soo saarista saliidda caydhin iyo macdahana ku duugan ciideenna.
  1. Wada shaqeynta heyadaha dawladdaiyo kala xadeynta awoodaha sharci iyo isku xidhkooda
  2. Dib u eegista dastuurka qaranka iyo habeytna shuruuccda
  3. Saami qayb ku dhisan cadaalad ee ee nidaamka siyaasdaa ee khyardaadka dabiiciga iyo isu soo jeedinta quluubta dadka iyo yuhuuntooda
  4. Xallinta arrimaha sool iyo Sanaag Bari iyo qoondeynta horumar lagu kobciyo
  5. Maamul wanaag, isla xisaabtan iyo hanti dhawr sugan
  6. Abuurista nidaam lagu soo jeedinayo maalgashiga muwaadiniinta iyo shisheeyahaba
  7. Sameynta maamul dedejin si shacbigu talo ugu yeeshaan mustaqbalkooda
  8. Abuurista Qorshe lagu dejinayo ganacsatada bacad yaalka ee u badan hooyinka iyo dhallinyarada
  9. Dhiirigelinta abuurista baananka si uu kobco dhaqaalaha dalku.

 

Barnaamijkam Siyaasiga oo dhamaystiran waxa lagu soo bandhigi doonaa shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga laguna Ansixin doonaa. Waxaa kale oo barnaamijka Siyaasiga ka dheegmi doonaa MANIFESTADA Xisbiga oo la soo bandhigi doono doorashada ka hor Waxa jira waxyaalo aan idiin kaydinay ood ku arki doontaan MANIFESTADA, waxaan kale oo sugaynaa taladiina iyo fekerkiina aad ku dari lahaydeen Marnaamijka Siyaasiga ee Xisbiga . Mahad naq balaadhan baan u soo jeedinayaa dhamaan dadka nagala soo qayb galay munaasbadan .

 

Wixii Warar Dheeraad ah ee ka soo baxa munaasibadda bandhigga buugga Xisbiga WADDANI goor dhaw ka fillo Somalilandpost.net