Xisbiga Waddani oo shaaciyey wakhtiga Diiwaangelinta Murashaxiinta oo la soo qaddimay

 

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbiga WADDANI, ayaa go’aamiyey in maalinta beri ee Khamiista la bilaabo diwaangelinta Murrashaxiinta xisbigaasi uga tartamaya goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada gobolada dalka.

Go’aankan ayaa ka soo hormarinaya wakhtigii hore xisbigu ugu qorsheeyey qabashada araajida iyo codsiyada murrashaxiinta, taasoo ahayd dabayaaqada bishan February ee lagu gudo jiro.

Kulanka maanta hogaanka sare iyo masuuliyiinta gobolada ee xisbigaasi ku yeesheen xarunta dhexe ee Magaalada Hargeysa uu ku leeyahay Xisbigu, ayaa waxa ka soo baxay jadwal cusub oo loo dejiyey xulista murrashaxiinta xisbiga.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose