Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Soo Dhaweyn ah u Sameeyey Masuuliyiin Xilal ka soo Qabtay Xukuumadda Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta Munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey masuuliyiin xilal cul culus uga soo qabtay Xukuumada Siilaanyo, Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale, Aqoonyahan, Haween, dhalinyaro iyo taageerayaal kale oo miisaan culus ku lahaa xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE oo u diga-rogtay Xisbiga Waddani.wadaniMunaasibaddan oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa ku qabsoontay Hotel-ka Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxaana siyaasiyiinta loo qabtay ee ku biiray Waddani ka mid ahaa ahaayeen Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md:Maxamed Nuur Caraale(Duur),wasiirkii hore ee warfaafinta Md:Boobe Yuusuf Ducaale,wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr:Xusseen Muxumed Maxamuud (Xoog),wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Md:Aadan Axmed Warsame,wasiirkii hore ee wasaarada dib u dejinta Somaliland,badha-saabkii hore ee gobalka togdheer Md:Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamar-je, badhasaabkii hore ee gobalka daadmadheedh Md:Jamaal Hure,Xoghayahii hore ee dawlada hoose ee magaalada Hargeysa Md:Deeq Xirsi Cambuur,Mareeyihii hore ee Warshada Laydhka Hargeysa.

DSC03898Munaasibadan oo ahayd mid ilyartu ay isqabatay oo ay si baaxad leh ay u soo buuxiyeen taageerayaasha kala duwan ee ay hor ka cayeen masuuliyiinta maanta ku soo biiray xisbiga WADDANI, ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), hogaanka sare ee xisbiga WADDANI, xildhibaano iyo taageerayaal tiro badan oo isugu jiray Dhalinyaro iyo Haween.

Waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Somaliland Md:Boobe Yuusuf Ducaale,waxaana uu sheegay in ay maanta ay cadaynayaan in ay ku soo biireen xisbiga WADDANI,isaga oo carabka ku dhuftay in ay doonayaan in la helo isbadal dhaba oo bulshada Somaliland wax badan ka badala xaalada ay hada ku sugan tahay.

“Waxaan halkan ka cadaynayaa in aanu u soo diga roganay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waliba anaga oo badan,halkana aanu dan moodnay,waxaanu nahay isbadal doon,waxaan uga jeednaa isbadal togan,oo caafimaad qaba oo dad iyo dalba la mahadiyo,sidaas ayaanan is badal doon aanu ku nahay,waxaa kale oo aanu ka sii nahay haakah ma sug tada,waxaanu nahay haakah ma sugtada aanu sugin in mar danbe laga qaniinin,god hore looga qaniinay”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

DSC03932Md:Xamarje oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu marka hore sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in uu ku soo biro xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.“Waxaan leeyahay  Xisbiga Waddani waad mahadsan tihiin intiina sii Shaqaysay,intii dambe anagaa idin kala wareegayna ee ku Abshira, hadday af iyo hadal noqoto, hadday Karti noqoto, waxaanu idinka balan qaadaynaa inaanu idin nasino, waayo? Waxaanu nahay Xisbi yahan aad iyo aad u yaqaana Xisbiga iyo Ololaha.Xisbiga iyo Ololuhu waa Dawarsi, waa Akhwaan Liibaan,waxaanan isleeyahay inaanay jirin cid nagaga haboon aniga, Xuseen Xoog iyo Duur, markaa waxaan idin leeyahay Dawarsigaa anagaa hore u soo dawarsan jiray inkasta oo aanu ku khasaarnay ee anaga noo dhaafa” ayuu yidhi Mr Xamarje.

Badhasaabka hore ee Maroodijeex iyo Togdheer waxa kale oo uu farriin adag u diray Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa maalinta ay gaadho 26-ka Juun wixii ka dambeeya waad garanaysaa haddaad  maalin ku darsato wixii inoo balan ahaa.taana waxaan ka balanqaadayaa haddii ay 10 ku dhimanayaan iyo hadday 20 ku dhimanayaan ba anagaa kuu codaynay, maalintaanu kuu codaynay waynu isla garanaynaa, wixii ka dambeeya ilama aha inaad xoog nagaga fadhiyi doonto. Waxaan ku kalsoonahay oo aan kugu dhiiri galinayaa Madaxweyne cidkasta oo aad soo sharaxdo ama adigu isa soo sharax ama cid kale soo sharaxoo inaad tartan  xalaal ah soo gasho” ayuu yidhi Md:Xamarje.

DSC03875Dr:Xusseen Xoog oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:“Walaalayaal waxaanu u soconaa Isbedel, Xamaasadi qiimo ma leh, Hebel baan wataa qiimo ma leh, hebel baa reerkayaga ah qiimo ma leh, wuxuu qiimuhu ku jiraa Dawlad  nimada, Caddaaladda, Horumarka, shaqo abuurka, isla xisaabtanka,  taas ayaa ina wada deeqaysa.  waxaynu doonaynaa dawlad noocaas ah inaynu dhisno,Walaalayaal, waxaan xalay TV-ga qaranka ku arkaayay, Nin aanu Saaxiib dhawna aanu nahay, Ehel dhawna aanu nahay,Ninkaasi wuxuu yidhi Waxaad iga qortaan Ninka guuray ee Xisbigiisii ka guuray ee meel kale u guuray isaguun baa wax is yeelay ee cid kalena wax tari maayo”.

Waxa kale oo Xusseen Xoog uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata:“Waxaan leeyahay Saaxiib, Walllaahi ninka dulmi dugsaday ee caddaalad darro dugsaday ee Musuqmaasuq dugsaday ee Qabyaalad Dugsaday ee ka tagi waayay, isagaa wax is-yeelay If iyo Aakhiraba.Waanu gedgedoomaynaa, waanu war-wareegaynaa, hadduu Cabdiraxmaan Cirro iyo Waddani na qancin waayo waanu ka wareegaynaa, danta qarankaanu u wareegaynaa oo Isbedelka dhabta ah ayaanu u wareegaynaa.Xisbiyadu ma Diin baa, ma Caqiidaa, haddii ay samayn waayeen wixii dadku ka rabay”.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),waxaana uu yidhi, “Waxaan si farxad leh, diirran oo qalbi furan ugu soo dhaweyntaa madaxda ku soo kordhisay miisaankooda, cududooda, caqligooda , fekerkooda iyo waayo aragnimadooda Xisbiga WADDANI. Waxay hubaal ah inay SAHAN u yihiin shacbiga reer Somaliland tilmaan u tahay meesha shacbigu geediga ay KULMIYE kaga guurayaan reerka u rarayaan”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

SOMALILANDPOST.NET