Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Soo Dhawayn ah Magaalada Burco Ugu Sameeyey ka Diga-Rogtay Xigbiga KULMIYE.

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo Socdaal ku joogay magaalada Burco, ayaa maanta munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey xoogaga dabaylaha isbadal doonka ah ee taageerayaasha Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI,sida oo kalena ka soo diga rogtay Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE.

Munaasibadan oo ka dhacday Hotel Cigal ee magaalada Burco,ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), guddoomiye ku xigeenada xisbiga, Xoghayaha guud ee Xisbiga, Afhayeenka Xisbiga, Xoghayaha arrimaha dibada, xoghayaha xidhiidhada gobalada, xoghayaha dalxiiska, xoghayaha warfaafinta, xoghayaha ku meel gaadhaka ah ee garabka dhalinyarada,xildhibaan siciid Cilmi Rooble,Xildhibaan Xoog,xildhibaan mataan hoori,xildhibaan Cali Xaaji iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan.

DSC03236Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Shaakir Cabdilaahi Sheekh Cismaan Nuur oo ka mid ahaa taageerayaashii ku soo biiray Xisbiga WADDANI sida oo kalena ku hadlaayey afka taagerayaasha ka soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE.

“Marka hore aad ayaan u salaamayaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo waftiga uu hogaaminaayo,ee ay ka mid ka yihiin golaha Wakiiladu oo uu sida oo kale ka mid ka yahay ninka hormuudka ah ee Siciid Cilmi Rooble,waxaanu leenahay waxaanu doonaynaa Isbadal,waxaanu ku doonaynaa in ay doorasho ay dhacdo,in ay ku dhacdo hab dimuqraadi ah,in ay ku dhacdo hab cadaalad ah,in ay ku dhacdo nidaam la wada ogal yahay oo sharciga waa faqsan,haddaanu nahay beeshan balaadhan ee Muuse Jibriil,ee Awal Bari,ee Subeer Awal.iyo gaashaan buuraheedaba waxaanu taageero buuxda aanu isla barbar taagnay oo hiil iyo hooba leh Xisbiga WADDANI,oo ah Xisbi maanta horumar iyo cadaalad laga filaayo,waxaanan Illaahay ka rajaynayaa in uu noqdo Xisbi dalka cadaalad ku xukuma,Xisbiga walaal nimada,Xisbigii aan dib looga caban oo aanay cidi ka hor iman.Waxaan leeyahay madaxweynihii hore ee Xisbiga talada haya laga badalay ee daahir rayaale dhaliilo yar yar oo wax ka soo qaad aan lahayn ayaa xukunka laga ga badalay,maanta se Siilaanyo waa laga badalayaa oo waxaa lagaga badalayaa dhaliilo baahsan oo aad u balaadhan oo dhan walba leh oo ka muuqda dawladaada.oo ay ka mid tahay nabad galyo darro,oo ay ka mid tahay cadaalad darro,oo ay ka mid tahay horumar la’aan.”

“Markaa haddaanu naha dadweynahii markii hore ku doortay maanta waxaanu taaganahay oo aanu taageeraynaa guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,oo ah Xisbiga cadaalad,horumar iyo midnimo laga filaayo,waxaan intan raacinaya taageerayaashan badani waa tageerayaashii beesha uu ka soo jeedo Siciid Cilmi Rooble,oo shir ay wada galeen oo wada tashaday muddo bilo ah oo aanu halkan joognay,waanu gorfaynay waanu soo dhamaynay,waxaanu soo go’aaminay oo aanu isla qaadanay in taageerada la siiyo Xisbiga WADDANI”. Ayuu yidhi Md:Shaakir Cabdilaahi Sheekh Cismaan Nuur.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxaa uu u mahad celiyey taageerayaashiisa ku soo biiray Xisbiga WADDANI,isaga oo carabka ku dhuftay in uu ka dib markii uu arkay cadaalad darada ay Xukuumada Siilaanyo ku hayso shacabkeeda uu go’aan saday in uu taageerayaashiisa uu u soo sahamiyo meel dhaanta Xisbiga KULMIYE,waxaana uu carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbi bulshada Somaliland u horseedi doona cadaalad iyo sinaan dhaba oo taaba gasha.

“Waxaa aan aan u mahad celinayaa dhamaanba taageerayaasha aadka u tirada badan ee goostay in ay maanta ku soo biiraan Xisbiga WADDANI,ila qaatayna in aynu ka soo diga rogano Xisbigii KULMIYE ee ina jabiyey aad iyo aad ayaan idiin salaamaya,waxaan idiin sheegayaa inbadan ayaa aynu saran seernay oo ay taageeradeenu ay cidlo ku dhacday,in badan ayaa aynu meel abaar ah aynu dagnay,in badan ayaa aynu wareernay,inabadan ayaa aynu jaha wareernay.Anigu markaan waxaas aan arkay sahan dheer ayaan galay,sahankaana waxaan ku jiray oo aan waday Afarta sanadood ee KULMIYE dalka haystay oo waxbaan indha indhaynaayey,waxaan soo ogaaday guri doog leh,oo lagu nagaado,guri cosob leh,guri aynu horeba dhaqan u lahayn,guri aynu isu dhawayn,guri aynu wada dhalanay,guri aynu dhaqan,xidid iyo wax kastaba aynu nahay,gurigaas ayaan soo helay,waxaana uu noqday WADDANI.waana aad ila qaadateen aad iyo aad ayaanan idiin ka mahad celinayaa”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Guddoomiye ku xigeenka Shanaad ee Xisbiga WADDANI Marwo:Milgo Maxamed Cilmi oo iyaduna sida oo kale halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay iyana ugu horeyn aya si aad u soo dhawaysay taageerayaasha ku soo biiray”Waxaanu si kal iyo laab ah aanu u soo dhawaynaynaa dhamaanba taageerayaasha Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,waxaan dhalinyarooy aad idiin sheegayaa wadankeenu dooni ayaa uu saaran yahay doonidiina naaxudihii waa uu ka lunsan yahay oo waa la garan la’a yahay,maanta waa inaga cidii wadankeena u kici lahayd waa inoo iyo sabtida in aad burco gil gishaan,oo aad dhinac walba aad istaagtaan,oo aad u istagtaan in wadankeena uu amnigiisu uu xasilmo,in baarlamaankeenu uu sidiisa u taagnaado.waxaan kale oo aan mid odhanayaa waxaa jira madaxweyne ku xigeen wadankeena xilkii loo igmaday ma qabto oo maalinta wadanka uu madaxweynahu uu ka baxo waa uu ka fadhiistaa oo qol ayaa uu hoosta iskaga soo xidhaa,inta kalena gurigiisa ayaa mooshin lagu soo abuura,waxaan leenahay madaxweyne ku xigeen xilkii lagu igmaday garo”Ayey tidhi Marwo:Milgo Maxamed Cilmi.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:”Dadweynaha uu hogaaminaayo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ee ka soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE,kuna soo biiray Xisbiga KULMIYE,aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynaa,waxaanu leenahay walaalayaal Xisbigiinii,waxaana xildhibaan idiin ah Xildhibaanka xildhibaanada ugu qaalisan”.

Gaba-gabadiina waxaa munaasibadaasi soo afmeeray guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),waxaana uu isna sida oo kale uu si balaadhan ugu mahad celiyey taagerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

“Waxaan halkan aan si kal iyo laab ah aan uga soo dhawaynayaa taageerayaasha Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ee aad u baaxada wayn leh,ee dhalinyarada leh,ee cuqaasha leh,ee salaadiinta leh,aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawaada”Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

Ugu danbayntiina waxaa munaasibadaasi ay taageerayaasha ku soo biiray ay shahaado sharafyo ay ku muujinayaan daacad nimada ay dadkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan lagu maamuusay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,Xildhibaan Xoog,iyo Sahra Halgan.