Xisbiga WADDANI Oo Maxkamada Sare U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (SL.Post) Masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa Maxkamadda sare ee Somaliland u gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha  Wakiillada.

 

 

 

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay dacwad u gudbiyeen Maxkamada sare.

 

“Maxkamada waxaanu u gudbinay dacwad la xidhiidha qaraarkii Madaxwaynuhu ku kala qaaday Doorashooyinka ee golaha wakiilada loo Gudbiyay  oo Xisbiga Waddani u arko qaraar sharciga baalmarsan.”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI

 

Halkan daawo.

Somalilandpost.net