Xisbiga WADDANI oo Isu-soo-baxyo ballaadhan ku bilaabay Ololaha Doorashada Goleyaashada Deegaanka iyo Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maalintiisa koowaad ee Ololaha doorashada ku bilaabay isu-soo-baxyo ballaadhan oo ay taageerayaasha murashaxiinta Goleyaasha deegaanka iyo Wakiilladu ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Taageerayaasha Xisbiga Waddani ayaa isu-soo-baxyo ay taageero ugu muujinayaan murashaxiintooda ka sameeyey gobollada Maroodijeex, Togdheer, Awdal, Saaxil, Sanaag iyo Sool oo ay wacdaro ka muujiyeen.

Waxa taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kula hadlay fagaareyaal ku kala yaala gobolada iyo degmooyinka dalka masuuliytiin iyo musharaxiinta u taagan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, iyagoo ka dalbaday inay codkooda siiyaan maalinta 31-ka may.

Advertisement

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qayb-galay isu-soo-bax ballaadhan oo taageerayaasha Xisbigu isugu yimaaddeen faagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa.

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxa isu-soo-baxa taageerayaasha kala qayb-galay masuuliyiinta ugu sar-sareysa Xisbiga Waddani oo uu hormuud u yahay Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Xisbiga WADDANI ayaa ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay Magaalooyinka Saylac, Balli Gubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne Gabiley iyo badiba magaalooyinka dalka waxaana Taageerayaasha Xisbiga WADDANI la hadlay Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka waramay qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan gollaha wakiilladda.

Murashixiinta ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On