Xisbiga WADDANI Oo Falaanqeeyay Caqabadaha Hor-taagan Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka

Hargeysa (SL.Post) Waxaa 25kii Ogost  ka dhacay Wasaaradda Qoshaynta qolkeed ashirarka kulan ballaadhan oo ay isgu yimaadeen: Xukuumadda Somaliland oo ay masilayeen, Wasiirka Madaxtooyada – Mud Maxamuud Hashi Cabdi; Wasiirka Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Adan; iyo Wasiirka Qorshaynta, Mud Shoombe Ismail Jirde. Waxa kale oo ka qayb-qaadanayey: xubno Komsishnka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), Xisbyada Qaranka oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Xisbiga WADDANI Mud Cabdiraham Cirro iyo Guddoomiyaha UCID, Eng. Yasal Cali Waraabe. Waxa Iyana ka qaybgalay, wakiilo Hay’adda Deeqbixiyeyaasha ( SDC) oo ay miiska fadhiyeen wafti UK ka socda oo 3 qof ka kooban, Wakiilka Dawladda Danishka u jooga Somaliland, iyo USAID iyo EUda oo iyaga oo Nairobi joogga shaashadda la iska arko kala socday; waxa Iyana joogay qaybo bulshada rayidka oo ka midyihiin kuwa Caalamiya ah sida Interpeace, Creative Associates iyo SaferWorld, iyo Kuwa Gudaha oo ka joogtay dalladda  SONSAF.

dr_mohamed_osman_fadal_rejected_as_nec_commisioner

 

Qodobada muhiimka ah ee waayaha ku gaadaaman doorshada 28 March ee lagu eegayo kullanka?

 

  1. Warabixinta Komashanka Doorashooyinka Qaranka laga sugayey ee ku saabasan geedisocodka Diiwaangelinta iyou diyaargarwgeed Doorashooyinka Maarso, 2017:

 

  1. Dhaqaalaha loogu baahanyahay a) dhamaystirka Diiwaangelinta b) qabashada labada doorasho iyo t) sida ay u qaybsanayaan Xukuumadda iyo Deeqbixiyeyaashu kharajkaas.

 

  1. Maaraynta cabadaha siyaadda ah ee ku gadaaman qabashada doorashooyinka u mudaysan 28ka Maarso, 2017:a) dhamaynta xeerka Doorashada Baarlamaanka; b) Meel ku tiirinta hadalhayntain la kala qaado labada doorasho iyo muddo-kordhinta ka dhalan kartahaddii la kala qaado.

 

Wixii Shirka laga Dooday iyo Wixii ku qabsoomay:

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranak ayaa warbixin waafi ah soo bandhigtay oo jawaabaysaa su’aalihii miiska yaalay ee gaar ahaan iyada khuseeyey:

 

  1. Waxay KDQ ka warbixisay Geedisocodka Diiwaangelinta oo shan gobol hore si guul ah uga soo dhamaatay, iyo Sool oo sidii la filayey si aad uga saraysa ay uga socota;
  2. Waxay soo bandhigeen miisaaniyad si wanaagsan u qorshaysan oo isug jirta: : a) kharajka hawlgalka Komishanka; b) kharajka dhamaystirka Diiwaangelinat iyo t) kharajka qabashada labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada. Iskudarka kharajyadaas oo dhami wuxuu iksu noqday US$10,617,560. Waxaana loo qaybsanayaa sidan: Xukuumadda JSL – (35.7%) oo noqonaya: US$3,793,031, iyo Deeqbiyeyaasha: (64.2%): oo noqonaya US$6,824,529. Waxay ku muujeyeen miisaaniyadda hawsha ay kala qabanayaan Xukuumadda iyo Deeqbixiyeyaashu.
  3. Waxay cadeeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranaku in ay iyagu farsama ahaan ku qaban karayaan labada doorsho oo hal mar wada dhacaya wakhtiga loo muddeeyey ee 28ka Maarso, 2017.

 

Warbixitaa KDQ waxay tustay ka qaygalayaashii shirka:

  1. In doorashooyinka si hawlyar loo qaban karo haddii dhinacyada ay khusaysaa ay shaqadooda kaga aaddan doorashada si toos ah uga soo baxaan.
  2. In kharasjka wakhtigan lagu qaban karo doorashada wada socota uu yahay mid labada dhinac si hawlyar midba intiisa u bixin karo – waa isku dar toban malyuun dolar oo lagu fulinayo labada tallaabo ee Diiwaangleinta u dhiman iyo laba doorshao oo mar la wada qabto iyo hawlmaalmeedkii diyraarinta iyo maamulka hawshaas.

 

Sidaa darteed, xisbiyadii qaranku ee goobta joogay waxay ka dalbadeen in Xukuumaddu waxaa farguudkood ah ee ku soo hagaagay ee wax ka yar 4 malyuun, in ay toos u qaadato, oo halkaa ka cadeeyaan maadaama oo wasiiradii ay taladu ka go’asya miiska fadhiyaan – waxaanay halkii cadeeyeen, Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Maaliyadduba in ay qaadatay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland qaybtii kaga soo hagaagtay miisaaniyadda dhamaystirka diiwaangelinta iyo qabashada isku marka ah labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada. Isla halkaa Xisbiyada Qaranka waxay ku booriyeen Deeqbixiyeyaashain ay qaataan intooda, iyagookula noqdoono go’aan qaadashada  xafiisyadoodii, waxaana laga dalbaday in ay todobaad gudihii ku soo jawaabaan.

 

Haddii la isweydiiyo su’aalaha: 1. In shirka go’aan lagaga gaadhay inLabada Doorasho ee muddaysan ay qabsoomaan 28 March, 2017? Jawaabtu waa “haa” iyo “maya”.

 

  1. a) Mar haddii dhinacyadii shirka isugu yimi oo dhamiay wad yidhaahdeen “haa”; b) Mar haddii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay caddaysay in ay farsamo ahaan u qaban karayaan una diyaaryihiin in labadii doorasho wakhtigii loo muddeeyey ku dhacaan; b) Mar haddii miisaaniyaddii ku bxi lahayd labada doorasho oo la wada qabto la soo bandhigay, oo lawada aqabalay oo weliba labadii dhinac ee bixin lahaa uu midba qaatay qaybtiisa, waxaynu odhan karanaa jawaabtu “haa”.

 

Haddana, “maya” xaggay ka imanaysaa? Waxayimanaysaa haddii Xukuumaddu iyo xisbigeeda KULMIYE aanay ka daacad ahayn go’aanka shirka. Waa haddi ay dhacdo : 1) In Madaxtooyadu go’aan ka gaadhiweydo qodobka Saami-qaybsiga iyo xeerka Golaha Wakiilada; 2) Haddii ay marto jidka kala qaaddista labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada.

 

Jawaabta Ururrka Deeqbixiyeyaasha ee 2dii September, 2016.

Dhinicii Ururka SDC ee  Deeqbixiyeyaasha , waxay ku soo jawaabeen warqad qoraal ah ku socda Madaxtooyada, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Qaranka,  oo xambaarsan farriintan hoos ku qoranee muhiimka ah:

 

“Jawaabtayadanku saabsan miisaaniyadda Doorashada Maarso, 2017, waxay ku salaysantahay sidii aa u mujiseen kalsooni iyo in ay idinka go’antahay in labadii doorasho ay isku mar qabsoomayaan Maarso/April, 2017. Haddii labadaa doorasho midina simbiriirixato, waxay saamayn ku yeelanaysaa awoodda aanu idinkaga taageeri karno doorashooyinka Somaliland. Waxa haboon, mar haddii aynu doorshooyinka Somaliland iskaashi dhow ka leenahay, in aanu helno miisaaniyad habka doorashada oo dhan taxgelinaysaa. Waxa muhiim ah in aanu sawir guud oo buuxa hayno marka aanu qorshaynayno tageeradayada dooradhooyinka Somaliland”.

 

Fariintaa kor ku xusan, nuxrkeedu waxa weeyey, arrin caydhin ha nagu gelinina qorshe ah in aan dhaqaale ku doono, kaasoo hadduu dhinaciina isbeddelo ka yimaaddo, aanaan mar kale waxba ka qaban Karidoonin.

 

Halkay Xaalddu weli Joogto:

Waxa laalan xeerkii Golaha Wakiilada oo u xaniban qodoka saami-qaybsiga. Waxa laga sugayaa Madaxweynaha JS in uu jahawareerkan geedisocodka doorashada mugdiga geliey uu dalka ka dulqaaddo oo go’aan iyo xalba gaadho arrinak Golaha Wakiilada. Waxaa danta ku jirtaa in uu mashkilladda toos u abbaro, oo go’aan cad qaato. Haddii lagu warwareego doorashooyin la kala qaadayo, waa “Madaxweynuhu milil guudkii ayuu dhayayaa”; waxa laga sugayaa in uu milika dilaaciyo si dawada loo helo.

 

Saamaynta ay kala qaadistadoorashooyinka iyo kordhinta ishuwan ay ku yeelanayso JSL?

 

  1. Waxa daadxoorta la raacinayaa heshiis ka dhasahy go’aankii Maxkammadda Dastuuriga ah, oo uu Madaxweynuhuna Dekreeto ka soo saaray, oo ay Xisbiyada Mucaaradku duuduub ku liqeen, oo Somlailand doorashadeeda dib uga riday tii Xamar, oo taasnaay codbixiyeyaasha SL duuduub ku liqeen, oo Taageerayaasha caalamka ee Somaliland layaab ku noqotay. Intaas oo culays ah oo qaranka Somaliland dusha u ridatay ayaa haddana maanta la leeyahay “garta cuyub u celi”; Ma qabataa ummadda intaa soo samirtay? Ma qabataa muwaadiniinta u diyaarka ah in ay u tartamaan kuraasta? Ma qabataa karaamada iyo magaca JSL ee caalamka.

 

  1. Haddii muddo-kordhin ay timaaddo, waxa imanaya: a) diiwaangelintii waxaas oo tacab ah la geliyey, in aan toos loogu geli Karin doorasho ee ay kaabis kale ay baahato,b) dhaqaalaha ku baxaya labada doorasho oo mar la wada qabto, sida ay KDQ ku qorsheeyeen waa : US$6,209,671; haddiise gooni gooni loo kala qabto labada doorasho ugu yaraan wuu saddex laabmayaa;

 

  1. Waxaynu ku sii durkaynaa khadkii casaa ee khatarta gelinayey habkeena dawladnimo iyo degganaansheheenaba: waa a) doorashooyinka isa soo wada gaadhaya – Madaxtooyada, Golaha Wakiilada, Guurtida, iyo Golaha Degaanka; b) KDQ oo muddo-xileedku dhamaadkiisu soo dhowaado oo Iyana muran iyo marmarsiiyo korodhsiimo kale abuurta.

 

  1. Kaadhkii ugu muhiimsanaa aynu iibinaynay ee aqoonsi doonka kaas oo ah ku dhaqanka dimuqraadiyad iyo deganaanshi siyaasadeed isna haddii laga aan laga degtoonaan wuu inaga wiiqmayaa.

 

Mawqifka Xisbiga WADDANI Waayaha Doorashooyinaka

 

  1. Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladu in ay wakhtigoodii Maarso 2017 ku qabsoomaan isku mar.
  2. In uu ka sugayo Madaxweynuhu in uu keeno xalka ummadda iyo dunidabaay ka sugayaan.
  3. In aanuu oggolayn in doorashada la kala qaado iyo in muddo-kordhin kale cidna loo sameeyo.

 

WBT;

 

Dr. Maxamed C. Fadal

Xogahyaha Arrimaha Dibedde iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xisbiga WADDANI