Xisbiga Waddani oo dhaliilay Safarka Madaxweynaha ee Gobollada Galbeedka

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dhaliilay Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Gobollada Galbeedka dalka.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa Sabti-dii todobaadkan safar ugu baxay gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, halkaas oo uu kaga Qayb-galay xaflad loo sameeyey qalin-jabinta dufcaddii 19aad ee waxbarashada ka dhammaystay Jaamacadda Camuud, isagoo sidoo kale xadhigga ka jaray buundooyin laga hirgeliyey magaalada Boorama.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama, ayaa habeenimadaas u hoyday caasimadda Gobolka Awdal, isagoo kulamo la qaatay madaxda dhaqanka iyo wax-garadka gobolka. Sidoo kale, Waxa uu madaxweynuhu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Gabiley oo uu markii hore dhaafay, halkaas oo uu u hoyday habeenimadii xalay, isagoo kulamo la qaatay madaxda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka.

Haddaba, Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa dhaliilay socdaal madaxweynaha isaga oo wax aan loo baahnayn ku tilmaamay kharashka ku baxaya socdaalkiisa.

“Waxaynu u baahan nahay inaynu dalkeena qorsheyaal u samaynayo oo aynaan ku masqhquulin safarrada aynu Malaayiinta ku bixinayno, Calamada iyo Sawirrada Madaxweynaha iyo Roogagga cascas ee aynu dhigayno”, sidaas ayuu yidhi Xoghaye Bashiir.

Bashiir oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxay dantu ku jirtaa inaynu Hay’adaheena Dawladda dhisano, in Madaxdu ay Gobollada dalka u tagto inay soo qiimayso adeeggii Caafimaadka iyo kii Biyaha iyo kii wasaaradaha ee Meesha ka jiray, in la soo qiimeeyo Saldhigyada Booliska kuwa shaqaynaya iyo kuwa xidhan, in laga gudbo Marxaladda aynu weli ku jirno ee ah inaynu Beelaha iyo Durbaankoodii weli ka shaqaynayno”.

“Safarkaa u dambeeyay sida loo soo dhaweeyay (Madaxweynaha) iyo sidii loo yaacayey waxaad moodaysay Raysal-wasaaraha Shiinaha oo loo ogolaaday Taiwan, laakiin umaynaan baahnayn, waxaynu u baahnayn in isku duwayaasha qaar shaqada laga qaado markay xilkooda gudan waayeen, qaarna la soo dalacsiiyo,” sidaas ayuu yidhi Xoghaye Bashiir.

Somalilandpost.net