Xisbiga Waddani Oo Been Abuur Ku Tilmaamay Qodobo Madaxtooyadu Ay Sheegtay In Sadexda Xisbi Ku Heshiiyeen

“Aad ayaanu uga xunahay in madaxweynaha Somaliland uu war been ah ka soo baxo..”

Hargeysa(SLpost)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa been abuur cad ku tilmaamay warqad madaxweynuhu ku saxeexan yahay oo lagu sheegay inay sadexda xisbi qaran iskula qaateen dhawaan kulankii iyaga iyo mishanka ku dhex maray madaxtooyada.

Waxa sidan warbaahinta u sheegay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaas Axmed Muumin Seed oo warbaahinta la hadlay, waxaanu madaxtooyada ka dalbaday in ay soo cadeeyaan halka ay ku aqbaleen in Buuhoodle dib loo dhigo diiwaangalinta wakhtiga ay ka qabsoomayso, arintaas oo xisbiga Waddani uu ku tilmaaay mid uu si cad uga soo horjeestay isla markaasna qoraal ugu gudbiyay madaxtooyada.

Axmed Muumin Seed oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi”Shirka maalintii aanu fadhinay(Shirkii madaxtooyada) waxay soo jeediyeen in Buuhoodle la raaciyo Sool, waxa kale oo ay soo jeediyeen in Buuhoodle diiwaangalinta dib loo dhigo runtii xisbiga Waddani aniga iyo xubin komishanka goob joog nooga ahayd ayaa joognay, waxaanu xisbiga Waddani hadaanu nahay aanu cadaynay in aanan marnaba diyaar u ahayn in wadanka la kala jaro oo Buuhoodle Sool la raaciyo iyo in gaar loogu qabto diiwaangalinta, halkaas markii aanu joognayna waanu cadaynay go’aan kayaga isaga oo qoraal ahna waanu gudbinay.

Guddoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa aan maanta saxaafada ka cadaynayaa in warqadaas oo shalay(doraad) naga soo gaadhay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in ay ku qorantahay in aan sadexdayada xisbiba isla qaadanay in Buuhoodle dib loo dhigo oo diiwaangalinteeda dib loo qabto, runtii arinkaasi waa mid nalaga been abuuray, aad ayaanu uga xunahay in madaxweynaha Somaliland uu war been ah ka soo baxo, warqadii aanu u gudbinay waanu ku cadaynay in aanan sina u aqbalayn in meelkasta oo nabad ah oo ay doorashooyinku ka dhicikarayaan oo dadku ay ka qaadan karayaan kaadhkooda diiwaangalinta in la geeyo, miyaanay ceeb ahayn waxa aanan ku heshiin in warqad lagu soo qoro oo madaxweynuuna uu soo saxeexo, arinkaasi waa been abuur in Buuhoodle Sool lagu darana anagu Waddani ahaan ma qaadan karno in dib loo dhigo oo maalin kale laga dhigana ma qaadan karno, waxaanu leenahay madaxtooyada hadii aad haysaan cadayn inaan arkinaas yeelnay dadka haloo soo bandhigo .”